Gudoomiye Cirro Oo Magacaabay Guddi U Matali Doonta Xisbiga Wadani Wada Hadalada Uu Xisbigu La Furay Garabka Isbahaysiga

Hargeysa(GNN)Gudoomiyaha golaha wakilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magacabay guddi xisbiga wadani u matali doonta wada hadalada uu xisbigu la furay garabka isbahaysiga kulmiye.
Waxaana warsaxaafadeedka uu gudoomiye Cirro Ku saxeexnaa uu u dhignaa sida tan

REF/XIS/WAD/XDH/2302/2016 Taariikh: March 21, 2016
KU: Maxamed Cabdillahi Uurcade =Hargeysa=
KU: Jamaal Jaamac Xaamud =Hargeysa=
KU: Cabdirashid Xasan Mataan =Hargeysa=
KU: Cabdi Haye Maxamed =Hargeysa=
KU: Maxamed Nuur Caraale (Duur) =Hargeysa=
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
OG: ISBAHAYSIGA Xisbiga KULMIYE =Hargeysa=

1-124

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Wada-hadalka.
Iyada oo la raacayo go’aanka Hoggaanka Xisbiga ee ahaa in wada-hadal rasmi ah lala furo ISBAHAYSIGA Xisbiga KULMIYEIyada oo Xisbiga WADDANI iyo ISBAHAYSIGU ku heshiiyeen in la abuuro guddi wada-hadal oo min shan (5) xubnood ah.
Waxa Xisbiga WADDANI ku war-gelinayaa in xubnaha warqadani tooska ugu socoto loo magacaabay in ay noqdaan Gudidda Wada-hadalka u matalaya Xisbiga WADDANI.
Waxaan eebe ka baryaynaa in uu xilkaa idiin fududeeyo
ALLA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

GABILEY.NET