Guri Kuyaal Magaalada Hargeysa Oo Dabqabsaday + Sababta Keentay Gubashada Guriga+Kasaaraha Ka Dhashay Dabka

Hargeisa(GNN):-Waxaa magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Sheekh Cumar ku shufbeelay guri ka dhisan xaafadaasi gurigani ayaa waxa uu dabi qabsaday ilaa abaaro 11:30 duhurnimo
Dabka qabsaday gurigaasi ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii uu guriga uu galay shoodh ka dhashay shirkada laydhka SOMPOWER
Khasaaraka ka dhashay dabkasi ayaa waxa uu sabab u noqday in gabi ahaanba ay halkaasi ay ku shuf-beeshay hantidii gurigaasi dhex taalay majirto wax yeelo ka soo gaadhay caruurutii iyo eheladii gurigaasi daganayd
Ciidamada lagu magacaabo dab damiska ayaa goobta gurigu ku shuf-beelay soo gaadhay goor uu guriga iyo hantidii dhextaalay ay ku dhex baabaday
Shirkada laydhka ee SOMPOWER oo masuul ka ahayd dabka gurigaasi qabsaday ka dib markii uu shoodh galay ayaa iyagu aan kafaalo qaadin hantidii ku shuf-beeshay gurigaasi ku gubtay xaafada sheekh Cumar
Waxaana warkaasi noo xaqiijiyay mulkiilihi lahaa guriga gubtay.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com

Axmed Almis