Wafti Ka Socday Waddanka Japan Oo Gaadhi Ambulance ah Ku Wareejiyay W.Caafimaadka SAWIRO.

Waftigan oo uu Hogaaminaayay Safiirka u fadhiya Dalka Japan Magaalada Nirobi Mr. Tatsushi TERADA. Iyo Mr. Nikola loo ka Socday Haa’yada UNFPA oo ay wada Shaqayn leeyihiin wasaarada Caafimaad Somaliland.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa kulan is xog wareesiya kadib si rasmi ah ula wareegay Deeqda Gaadhiga Ambulance ee dawlada Japan ugu Deeqday Wasaarada Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye oo si weyn ugu mahad naqay waftiga Japan ee Safiirku hogaaminaayo iyo Haa’yada UNFPA, isagoo Agaasime Saleebaan isdul taagay xidhiidhka Fiican ee u dhaxeeyay wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo Dawlada Japan u bilaabmay isagoo Agaasime Saleebaan Jaamac Diiriye tilmaamay, sida hagar la’aanta ah ee wasaarada Caafimaadku, ugu heelan tahay hirgalinta horumarka kala duwan ee dhanka Caafimaadka ee guud ahaan Somaliland ka socda.

Dhanka kale Safiirka Dalka Japan ee Fadhigiisu yahay Nirobi ayaa tilmaamay in safarkiisan yahay markii u horeesay ee uu Somaliland Yimaado, isagoo safiirku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka dawlad ahaan wada shaqaynta Japan iyo Somaliland.

Log1