DAAWO:Hay’adda Zam Zam Oo Soo Qiimaysay Deegaano Ay Mashaariic Ka Hir Gelinayso Kuwo Kalana Xadhiga Ka Jartay + Sawiro

Hargeysa(GNN)-Hay’adda Zam Zam Foundation oo ka mid ah hay’addaha gacanta ka gaysta taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa  guda gashay qiimaynta meelaha ay ka fulinayaan mashaariic kala duwan oo ay ku deeqeen, waxaanay  xadhiga ka jareen mashaaric ay dhamaystireen  oo  ay ka hir geliyeen deegaano kale duwan .

 

Agaasimaha hay’adda Zam Zam Foundation  Shacayb  Cabdiladiif oo ay wehelinayeen wefti ka socda baanka horu marinta islaamka oo gacan ka gaystay mashaariicdaasi horu marineed ayaa booqday gobolada Hawd, Awdal iyo Gabiley, kuwaas oo soo kormeeray mashaariicda ay hir geliyeen oo kala ahaa Barkado, Dugsiyo iyo ceelal kuw biyaha, waxaanay soo qiimeeyeen mashaariic kale oo ay hir gelin doonaan.

Kulan lagu qabtay magaalada Gabiley oo ay ka soo qayb galeen wasiirka warshadaha somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa waxa xadhiga lagaga jaray laba barkadood oo ay dadweynuhu uga faa,iidaysan doonaan kaydka biyaha iyo waraabka oo ay hir geliyeen Zam Zam Foundation iyo baanka horu marinta islaamka.

Kulankaas waxa ka hadlay agaasimaha guud ee Zam Zam Foundation Shacayb Cabdiladiif, waxaanu sheegay inay mashaariicdani ka mid yihiin kuwa ay hay’addu u qoondaysay inay dadka ka faa,iidaystaan waxaanu yidhi “Mashaariicdan waxa maal galiyey baannka horu marinta islaamka, waxaana fuliyey hay’adda sama falka ee Zam Zam Foundation, waxaanan rajaynaynaa inaanu deegaanadan iyo dalkaba ka hir gelino inaanu ka hir gelino hawlo badan oo horu marineeda.”

Wasiirka wasaarada warshadaha somaliland Shacayb Maxamed Muuse oo ka hadlay kulankaasi ayaa u mahad celiyey hay’adda maaal galisay mashaariicdan, waxaanu u soo jeediyey inay sii wadaan mashaariicda ay ka fulinayaan dalka waxaanu yidhi “ Aad ayaan ugu mahad celinayaa baanka horu marinta islaamka ee inoogu deeqday ceelkan biyaha laga cabayo, waxa kale oo aan u mahad celinayaa hay’adda Zam Zam Foundation oo iyaduna inoo fulisay iyada oo si hagar la,aan ah u shaqaynaysa, waxyaabo horena ka soo qabatay gobolka Gabiley,  baanka islaamkana waxaanu uga mahad celinaynaa gurmadka ay u soo fidiyeen dadkeena ay abaaruhu saameeyeen, waxaanan uga baahanahay inay sii wadaan mashaariicda noocan oo kale ah.”

Sidoo kale Dr. Cawad Saalim oo ka socday baanka horu marinta islaamka ayaa hadalo mahad naq iyo dardaaran iskugu jira ka soo jeediyey kulankaasi, waxaanu sheegay inay sii wada doonaan mashaariicda ay ka hir gelinayaan dalka somaliland.

 

Log1