Kooxdii Xamar Laga Soo Diray oo Xalay Ciidanka Qaranka SL faracididood Kaga Baxsaday.

Kooxdii Laga Soo Diray Xamar ayaa ka anba baxay magaalada buuhoodle ka dib markii ay mudo 3 casho ah ku godoonsanaayeen agagaraaka gobolka buuhoodle iyaga oo si sharci doro ah ku soo galay xuduudka somaliland
xildhibaanadan oo safarkoodu ahaa in ay laaluush gaadhsiiyaan cali khaliif galaydh ayaa waxa ay kala kulmeen nasiib daradii ugu weynayd iyaga oo ay u hir geli wayday qorshihii ay wateen ee ahaa inay wax yeeleeyaan nabad galyada iyo degenaanshaha ka jira deegaanada somaliland
markii ay ka soo gaadheen deegaano ka mida buuhoodle ayaa ciidamada somaliland u diyaar garoobeen sidii ay uga saari lahaayeen deegaanadaas waxaana isla markiiba soo wajahday cabsi aad u xoog badan taas oo wer wer iyo walaac badan ku abuurtay qas wadayaashaas taas oo kaga imanaysay ciidamada somaliland oo sheegay in ay gacanta ku dhigayaan afarta xildhibaan iyo maleeshiyada hor kacaysaba
waxaanay mudo sadex cisho ah ku go,doon sanaayeen meelo ka baxsan gudaha magaalooyinka oo ka fog fog gobolka buuhoodle waxaana ka saaray deegaanka ceegaag ciidanka somaliland halkaas oo ay doonayeen inay ka abuuraan fidmada ugu weynayd oo ahayd in ay caqaladeeyaan qaranimada somaliland
abaaro fiidnimadii xalay ayay u suuro gashay in ay ka bad baadaan ciidanka somaliland oo faro baas ku hayay iyada oo ay fidhu u goday intii ay joogeen deegaanada bariga somaliland oo ay ku soo galeen si dhuumaalaysi ah
habeenkii xalay ayay ka khudbadeeyeen meel ay kula balameen maleeshiyaadka uu hogaamiyo cali khallif galaydh iyaga oo ay halkaas ka jeediyay hadalo kookooban oo ay kaga hadlayaan xaalada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka u shaqeeya wajiyadooda ayaa laga dareemayay cabsi iyo mooraal jab halka cali khaliif uu jeebka u riday inay soo kordhiyaan kharashaadka ay ku hawl galaan maleeshiyaadka nabad diidka ahi
il wareedyo si dhow ula socday xaalada gobolka buuhoodle isla markaana ay isha si gaara ugu haysay shebekada burcoonline News ayaa sheegaya in ay isku dhaceen kulankii ugu horeeyay qas wade cali khaliif iyo qaar ka mida xildibaanada kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka buuhoodle oo ay isku maan dhaafeen hadalo adag oo cali khaliif ku ganay dawlada soomaliya
xaalada maleeshiyada nabd diidka ah ayaan hada xaaladoodu sahlanayn iyada oo ay soo wa jahday muran siyaasadeed,qarash la,aan iyo dadka shacabka ah oo ugu dhiijiyay in aanay doonayan in ay galaan duurka isla markaana ay abuuraan colaad sokeeye
mr caga lule oo isagu ah ku xigaha hogaamiya maleeshiyada nabad diidka ah si gaarana ay iskaga soo horjeedaan cali khaliif galaydh ayaa isaguna sheegay in aan la sii wadi karin hawlaha ay ku jiraan isaga oo ugu baaqay cali khalliif iyo xulafadiisu in ay isu dhiibaan ciidanka somaliland iyo puntland
wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland ayaa sheegay in ay maxkamad dalka ah iyo mid debadaba la tiigsan doonaan cali khaliif galaydh oo isagu gadh wadeen ka ah raga wada rabshadaha lagu wiiqayo qaranimada somaliland
isku soo wada duubo maleeshiyaadka cali khaliif ayaa qarka u saaran in ay bur buraan kadib markii ay cadaadis xoog leh kala kulmeen ciidanka qaranka somaliland iyo dhanka siyaasada oo ay ka aradan yihiin isla markaana wasiir xaglo toosiye banaanka soo dhigay xogta dhabta ah ee ay wajahayaan cali khaliif galaydh iyo ciidamadiisu dadka uu ka soo jeedaan maleeshiyada uu hogaamiyo cali khaliif ayaa iayaguna wada dadaalo ay kaga midho dhalinayaan sidii ay salka ugu dhigi lahaayeen nabada ka jirta deegaanadooda kana xaaqi lahaayeen raga ka wada nabad gelyo darada.