Kormeerkii Goobaha Diwaan-galinta ee Tuulooyinka Gobolka Gabiley Hoosyimaada iyo Heegankii Maayir Amiin.W/q:-Dayib Asbaro.

Gabiley(GNN):-Qiyaasta Saacada Ama Goorsheegtu waxay ahayd xiliyada aaney Bahalina godkeeda ka Bixin,Waxaan ka wadaa kulaylka cadceeda, Waa maanta iyo deegaanada hoos yimaada gobolka gabiley waxaan qayb ka ahaa hawl-wadeenada kormeerka ku marayey goobaha ay diwaangalinta gobolku ka socoto,isla markaana ka caawinayey ciladaha kala duwan ee lasoo darsa shaqaalahan bulshadooda u adeegaya, si ay dadku u qaataan kaadhadhka codbixiyaha, waa tuulo yar oo dhinaca koonfureed kagaga beegan magaalada gabiley,qiyaas ahaan ilaa 48 KM dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee kunoolaa badankood waxay la hayaameen xoolihii ay ku noolaayeen oo ay la raadsadeen dhul baad ama biyo leh,haddana dadku goobta diwaan-galinta way kusoo burqanayaan walow ay saacadaha qaar teel-teel yihiin, waxyar uun markii aan sidaa u galay xarunta diwaangalinta ee tuuladan ee aan bariido kaliya is dhaafsaney shaqaalahii xarunta, waxaa si lama filaan ah oo jabaq la’aan ah noogu soo galay wiil dhalinyar ah, ugu horayn salaan kadib waxaa uu nagu bilaabay xogwareysi iyo u kuur-gal dadka deegaanka ee kaadhasha qaadanaya, waxaad la dhacaysaa sifaha aadka u xariirta ah ee u dhuuxayo ama u dhuganayo dhawaaqa weedhaha ay inamadii goobtu siinayaan, waxaad moodaa inuu daal fara badani ka muuqdo oo malahayga deegaano fara badan uu soo maray,
cabaar kadib gabadh kamid ah shaqaalihii diwaangalinta ee goobtan aan ku suganahay walaalo wiilkani waa ayo, waayo aqoon hore isuma lihin laakiin waxaan u tooyanayaa dabeecada iyo deganaanshaha qabow ee uu nagu soo galay, waxay iigu jawaabtay iyadoo hadalka hoos u dhigaysa, waa maayirkii magaalada gabiley, yaab iyo amakaag, ogaalkay waxaan ku aqaaney nin madax ah oo magaalo dhan maamula in buuqa iyo sawaxankiisa laga dareemo marka uu afaafka soo gaadho, indhahaygu may qaban wax ciidan ah, kaaga darane sida uu kalsoonida u qabaa waa mid weyn,
waxoogaa ka bacdi waxaa uu u yeedhay niman ilaa tiradoodu saddex tahay oo laba kamid ahi garabkiisa taagnaayeen, waxa uu ku yidhi “walaalo dadka usoo dejiya biyaha iyo sharaabka saaran, waa dadkii safafka iyo hadhka u galay kaadhkane,mise wiilshiis waxay soo dajiyeen karaatoon biyo iyo sharaab ah, cadceeda dhacaysa haraadkeeda waxaa ku wareegaya hunguriga ama luunka, waxaan ka mid noqday dadkii biyaha iyo sharaabka loo qaybiyey, wax yar ka bacdi dad badan oo waayeel ah oo markii hore geedaha miciin baday waxay heleen firfircooni qayral xad ah,
aniga laftaydu waxaan ka mid noqday dadka uurka ka duceeyey,
Intaa Ka Bacdi Waxaaa naftaydu Is weydiisay odhaahyo kala duwan,Toloow Maka daacadbaa mise waxaa uu kagaga doonayaa cod danbe oo waxaabu isu diyaarinayaa inuuu mar labaad jagadan uu hayo dib ugu soo noqdo, waxaan jaanis u helay inaan su’aashan si kaftan xirfadeysan ah ula wadaago,
waaanan ku dhiiraday inaan waydiiyo, waxaa ii iigu jawaabay “runtii wlo qofka dibada ka joogaa ilama dareemi karo hadda, culayska, Werwerka, iyo inta hagardaamo kusoo gaadheysa, laakiin haddana waxaan i weydiiyaa dadka aad sidaa ugu rafaadaysaa waa ayo, waxaan iskugu jawaabaa waa dadkaagii iyo kuwii kusoo doortay guud ahaan gobolkan, markaa dedaal kasta oo awoodi isiiso waxaan isku dayey inaan u huro oo aan la wadaago culayska abaarta dadkaasi soo waajahday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ku qiimeeyey qof ilahay garashadiisa iyo garaadkiisa ugu daray yaqiin iyo ku xidhnaanshaha xadhiga eebe, waxaanan ilahay ka baryey in ilahay hogaanka kalena sidan u fahansiiyo dhibaatada haysata dadkooda.

W/Q:-Dayib nuur “Asbaro”
asbaro143@gmail.com