Ma ogtahay 20 Hogaamiye ee Dunida ugu Mushaharka Badan ,Akhriso.

Websiteka ka warama arimaha dhaqaalaha ee la yidhaahdo 24/7 Wall Street ayaa daabacay 20 hogaamiye ee ugu mushaharka badan dunida.

wadamada aadka u yar yar ee bariga Asia ayaa safka hore ka galay liiska madaxda caalamka ee qaata lacagta ugu badan.

Liiskan ee Website ku soo qaatay mushaharka ay madaxdu qaateen sanadkii 2014 ayaa raiisal wasaaraha Jasiirada yar ee Singapore  Lee Hsien Loong waxa uu noqday ninka ugu mushahar badan madaxda caalamka oo dhan,wadankan yar ee dalxiiska ka macaasha ayaa la sheegay in celcelis ahaan sanadkii dadka caadiga ah qofkasta oo wadankaasi ku nooli uu helaa lacag udhiganta  $ 83,066 ,halka raiisal wasaare Loong ka qaato                  $ 1,760,000. sanadkii.

waxa kusoo xiga madaxweynaha wadanka yar ee Shiinaha ka tirsan ee Hong Kong Leung Chun-ying kaasoo sanadkii qaata $ 576,000 ,madaxweynaha dawlada federaalka ee wadanka Switzerland  $ 460,000.

madaxweynaha wadanka ugu dhaqaalaha badan aduunka oo dhan ee maraykanka Barak Obama ayaa kaalinta afraad ku jira isagoo sanadkii qaata  $ 400,000.

wadamada carabta ee shidaalka qaniga ku ah ayaan iyagu liiska ka muuqan in kasta oo mushaharka sharciga ah marka laga yimaado ay iyagu helaan lacago badan oo siyaabo kale kusoo gala.

 

Liiiska madaxda dawlada ee ugu mushaharka badan waxa  uu website ka 24/7 Wall Street u dhigay sidani.

1. Lee Hsien Loong, Singapore: $ 1,760,000
2. Leung Chun-ying, Hong Kong: $ 576,000
3. Johann N. Schneider-Ammann, Switzerland: $ 460,000
4. Barack Obama, United States: $ 400,000
5. Malcolm Turnball, Australia: $ 396,000
6. Werner Faymann, Austria: $ 343,000
7. Xavier Bettel, Luxembourg: $ 255,000
8. Justin Trudeau, Canada: $ 253,000
9. Angela Merkel, Germany: $ 244,000
10. Charles Michel, Belgium: $ 239,000
11. Stefan Löfven, Sweden: $ 235,000
12. Lars Løkke Rasmussen, Denmark: $ 222,000
13. Enda Kenny, Ireland: $ 209,000
14. David Cameron, UK: $ 206,000
15. Mark Rutte, the Netherlands: $ 204,000
16. Shinzo Abe, Japan 203 $ 000
17. François Hollande, France: $ 202,000
18. Erna Solberg, Norway: $ 187,000
19. Juha Sipilä, Finland: $ 159,000
20. sigmundur davíð gunnlaugsson, Iceland: $ 134,000

Warbixintani waxa lagu soo qaatay madaxda wadamada mushaharka saxda ah qaata ee wax ka badan inta ay xaq uleeyihiin aan qaadan karin isla markaana aanu ka jirin musuqmaasuqu.

madaxda wadamada Afrika iyo carabaha ayaa iyagu hela mushahar aan xad lahayn oo ka badan inta sharcigu u ogol yahay.

Gabileynews Network.