Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Gaadhay BerBera, Dhamaan Isgaadhsiintii oo Hawada Ka Maqan,Badhasaab Ku Xigeenkii Saxil iyo Taliyihii Sheekh oo La Xidhay

Hargeysa(GNN):-Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ku biiray masuuliyiinta xukuumada ee haatan ku sugan magaalada Berbera.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayeen ciidamo ka tirsan Booliska ayaa saaka ka baxay magaalada Hargeysa kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo 24-kii saacadood ee ugu danbeeyey kacsanayd ka dib dilkii taliyaha qaybta booliska ee gobolkaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka somaliland oo ay ka sii horeeyeen masuuliyiin culus oo ka tirsan xukuumada ayaa qaaday talaabooyin ay ku dajinayaan xaalada magaalada Berbera oo kacsanayd, waxaanay wararku sheegayaan in xabsiga la dhigay badhasaab ku xigeenkii gobolka Saaxil oo la socday taliyihii la dilay wakhtigii ay dablaydu weerartay.

Iyada oo guud ahaanba hawada laga saaray isgaadhsiinta magaalada Berbera isla markaana ay adag tahay in laga helo warar xogogaal ah hadana wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xabsiga loo taxaabay taliyihii ciidanka booliska ee degmada Sheekh iyo madax dhaqameed tiro badan oo ka tirsan gobolka Saaxil, iyada oo galabtana lagu guulaystay in is af garad laga gaadho aasida maydka taliyihii la dilay.

Ilaa hada ma jirto cid ka tirsan xukuumada somaliland oo ka hadashay talaabooyinka ay xukuumadu qaaday, iyada oo xaalada guud ee magaalada Berbera ay haatan tahay mid degan.

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Xaalada Magaalada Berbera Kala Soco Gabiley.Net