Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Oo Orad Ku Galay Garoowe Kadib Rasaas Ay Huwiyeen Dadka Degaan Bixin ee G.Sool.

Sara raki ka imanayadeegaanka Bixin ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan xiligani ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kasoo jeeda dhalasho ahaan deegaanka bixin ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay uu orod ku galay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland kadib markii rasaas xoogan lagu huwiyey deegaankaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camay oo saqdii dhexe ee habeenkii xalay ahayd safar guur ah kaga soo amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka booqasho indha indheyn ah ku tagay deegaanka Bixin isaga iyo wafti uu hogaaminayo, halkaas oo uu filayey in uu kulamo gaar gaar ah kula qaato hogaamiyaha kala hogaaminaya ciidamada labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka deegaanka si uu ugala hadlo xaaladaha deegaanka iyo sidii looga hortegi lahaa dagaalo ka dhaca deegaankaasi Bixin.

Inkastoo waftigani uu hogaaminayeymadaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirada Warfaafinta iyo Dastuurka Puntland ay gaadheen deegaanka Bixin hadana waxaa jira in rasaas xoogan iyo weerar culus ay kala kulmeen ciidamo ka soo jeeda dadka degan deegaanadaas oo wadniyad ahaan ku difaacaya dalkooda kuwaas oo iyagu rasaas xoogan ku riday madaxweyne ku xigeenka Puntland si uusan ugu soo gudbin dhankooda, waxaana ay sheegeen hogaamiyaasha ciidamadaasi in aysan dagaalka joojin doonin ilaa ciidamada Puntland ay awood dagaal kaga saaraan guud ahaanba deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Sool.

“Rasaas xoogan ayaa la huwiyey isaga iyo wasiiradii la socdayba waxaana u sheegnay ilaa dhulkayaga aan ka xoreyno dulmi doonayaasha in aanu joojin doonin dagaalka, Bixin maaha caro Ciise Maxamuud iyo Majeerteen anaguna ma nihi dadka korkooda lagu loolamo adeer mana ahaan doono ilaa kan ugu yar uu dhinto mooyeewaxaanu difaacayna dalkayaga iyo dadkayaga puntlandna jeebka ha ku ridato inaanan ka mid ahayn dawladooda tamarta daran” Ayuu yidhi mid kamid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidamada  ee ku sugan deegaanka Bixin ee gobolka Sool.

Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhalasho ahaan kasoo jeeda buuhoodle ayaa isagu xiligani u ololaynaya in la baajiyo dagaalo culus oo ka dhaca deegaanka Bixin ee gobolka Sool,iyada oo ay ku soo wajahan yihiin ciidamo tiro badan oo sida mawjada iskaga soo daba dhacaaya kuwaas oo ka socda ciidanka qaranka jamhuuriyada somaliland walowse uumaanta fashil xoogan kala kulmay dhinacyada isku haya deegaankaasi Bixin taas oo ka dhigan dhabar jab xoogan oo soo wajahday Mr. Camay oo inta badan isagu wax saameyn ah ku lahayn talada maamulka Puntland marka laga yimaado ka qayb gelida munaasibado iyo shirar hoose mooyee.