Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka oo caawa Bilaabay Duqaynta Kooxda Daacish ee Qabsatay Xeebaha Puntland

Hargeysa(GNN)-Dagaalka Culus oo laysku gabal dhacsaday ayaa caawa ilaa Shalay ka socda Xeebaha Maamulka Puntland, dagaalkan oo la sheegay in uu u dhexeyo Maamulka Puntland iyo Kooxo loo malaynayo in ay yihiin Daacishta Somaliya.

Kooxdaasi Daacishta Somaliya oo ku sugan  Garmaal illaa Suuj ayaa Hub culus ku garaacay Ciidanka Putland, basle Wasiirka Warfaafinta ee Puntland ayaa sheegay in Ciidamadoodu dileen ilaa 13 kooxdaasi ah.

Wararka kale ee Caawa naga soo gaadheyey Puntland ayaa sheegaya in kooxda loo malaynayo in ay yihiin Daacishta Somaliya uu soo gaadhay shallay fiiskii Gurmad ug ayimid dhanka Koonfurta Somaliya, kuwaasi oo isku urursaday buuraha Togga Suuj ayaa waxaa halkaasi ku duqeynaaya Ciidamo la socda Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka, kaasi oo jooga Xeebaha Puntland garabna siinaaya Ciidamada Puntland.

Waxaan wali joogsan Dagaalka, waxaana la maqlayaa Hubka daran-dooriga u dhacay oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

 

Log1