MASUULIYINTA MADAXTOOYADA SOMALILAND OO DHAGAX DHIGAY WADDO LAAMIYA OO LAGA HIRGALLINAYO GUDAHA MADAXTOOYADA

Hargaysa(GNN):Iyadoo lagu jiro tabaabushaha iyo u diyaar garawga dabaaldega 25 guurada ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland, Madaxweynuhuna uu dhawaan dhisay guddida heer qaran ee qaban qaabada iyo agaasinka xuskaa weyn ee 18may, Guddidaas oo ay wada shaqayndoonan guddiyada heer gobol iyo degmo ee dalka, ayaa gudaha madaxtooyada Somaliland waxa mudooyinkan danbe ka socda hawlo banayn iyo qurxin isugu jirta.

3(659).jpg

Iyadoo laga duulayo diyaar garawgaasi munaasibada qaran, ayaa wasiiru-dawlaha Madaxtooyada mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddu Marwo khadra Xaaji Gaydh, waxay dhagax dhigeen waddo maridoonta gudaha madaxtooyada oo laami ah, taas oo isku xidhi doonta gudaha madaxtooyada ilaa mid ka mida wajahada hore ee Madaxtooyada.

2(703).jpg

Sidoo kale fagaare labaad oo lagu qaban doono dabbaaldega 18 may iyo munaasibadaha kale ee qaranka ayaa lag bineeyey gudaha madaxtooyada Somaliland.

Isku Soo Wada Duubo Gudidan Uu Usaaaray Madaxwaynahu Qaban Qabada Xuska Sanad Guurada 25aad Ee Gooni Isku Taaga Somaliland ayaa Laga Dhursugaa Habka Iyo Hanaanka ay U Agaasimo Donaan Dabaldagaasi.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE