MULKIILAHA DHAAB BIYOODKA UU GUDOOMIYAHA TOG WAJAALE XOOG IYO SIFO SHARCIGA BAALMARSAN KAGA AASAY OO MADAXWAYNAHA IYO WASIIR WARAN CADE BAAQ UDIRAY

TOGWAJAALE(GNN) Dhawaan Ayay ahayd Markii gudoomiyaha Degmada Tog wajaale cabdi saleebaan xasan uu Xoog iyo sifo sharciga baalmarsan uu caf cafyo ugaliyay dhaam biyood ku yaala magaalada wajaale kana cabto bulhsadu kaasi oo uu leeyahay ABOKOR Axmed xuseen kooshin.

sandaqada-gudoomiyaha-11

cabdisalaaban

Hadaba Mulkiilaha balayga Abokor Axmed Xuseen oo Ka waramaya Dhacdadan dhaamkiisa lagu Aasay iyo kuwo ka horeeyay wuxu yidhi,

Gudoomiyaha degmada Tog wajaale Cabdi Saleebaan Iyo Cabdilaahi xaaji Cumar Gaboobe Ayaa Taariikhdu markay ahayd 07/01/2015. Isagoo Aan wax sharciya iyo ogolaansho U haysan wuxu khasaare u gaystay balayga waxaa dhacdadaa goob joog ka ahaa gudomiyaha maxkamada gabiley ee xiligan oo markaa garsoore ka ahaa maxkamada wajaale cabdikariim

Arintaasi waxay maxkamadu ka qaaday talaabo iyadoo xidhay labadan nin balse markii danbe Waxa lagu sii daayay DAMIIN, Nasiib daro se gudoomiyaha wajaale oo xiligaan Aan xil haynin ayaa waxaa loo soo magacaabay Maayarka Wajaale Isagoo danbiile ah islamarkaana aanay bixinin magdhawga khasaarihii ay hantidayda u gaysteen Waa labada nin ee aan magacaantooda kor ku xusay e,

Mudo Bil iyo sedex cisho ah markii uu xilka hayay wuxu bilaabay in uu awood iyo shaadh dawladeed isagoo adeegsanaya xoog sandaqad(jiingad) kaga hor dhistay wajahada balayga wali way ku taal

taasi oo kaliya kuma uu jooge wuxuu maalin dhawayn sameeyay in uu xoog caf cafyo u galiyay balaygayga isagoo awood ku aasay balaygii khasaare balaadhana ugaystay .

waxaa ‘nasiib daro iyo argagax nagu noqotay in balaygii oo laga cabayo awood iyo sifo uu ku aasano lahayn uu marlabad waxaasi kula kacay

dhaamka-1

‘ANIGOO AH MULKIILAHA DHAAMKNA(BALAYGAN WAXAAN MADAXWAYNAHA SOMALILAND MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO IYO MASULIYIINTA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA SI XUSHMAD LEH UGA COD SANAYAA IN AY SI DHAKHSO AH USOO FARO GALIYAAN DHACDADAN FOSHA XUN EE HANTI DAYADII LOOGU ADEEGSANYO SHAADHKII QARAN EE AHAA IN SHACBIGA LAGU ILAALIYO BALSE XILIGAN UU MASUULKAN U ADEEGSADAY SIFI SHARIGA BAALMARSAN

WAXAAN SIDOO KALE BAQQ UDIRAYAA CIDKASTA OO JECEL HORUMARKA IYO DEGENANSHAHA MAGAALO GANACSIYEEDKA WAJAALE IN AY GURMAD KA GALAAN BOOB IYO ADEEGSIGA SHAADHKA DAWLADA EE UU CAADAYSTAY GUDOOMIYE CABDI SALEEBAAN, AYUU YIDHI,

SI KASTABA HA AHAATEE WAXAA MAALMIHII UDANBEEYAY XOOG LOOGA DAREEMAYAA MAGAALADA TOG WAJAALE BULSHADA AY KU BADNAY HADAL HAYNTOODU HABDHAQANKA UU LASOO BAXAY MAAYARKA WAJAALE HORENA AAN LOOGU ARAG GUDOOMIYAYAASHII MAGAALADA WAJAALE SOO MARAY MAR QUDHA AANAY ISKU DAYIN IN ARIMO NOOCANATALAABO,

Gabiley.Net
Office Togwajaale