Madaxweynaha Djibouti oo dacweynaya FACEBOOK !!!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee wadanka yar ee ku yaala Geeska Africa ayaa dacwad ka bilaabay maxkamadda sare ee caasimada Dublin ee wadanka Ireland, taas oo uu ka gudbiyay shebekada bulshada ee FACEBOOK.

Ma cadda sababta uu Ismaaciil Cumar Geellaha Djibouti uu u dacweynayo FACEBOOK balse waxa uu kiraystay looyarada Johnsons oo ah shirkad ka dhisan caasimadda waqooyiga Ireland ee Belfast kaas oo ay isticmaalaan dadka caanka ah ee Hollywood ee dawcadaha ka gala Dublin, Belfast iyo London.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii 2002dii waxa uu wadanka Jabuuti ka mamnuucay Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa caasimada Somaliland oo wakhtigaa Dhanxirka ay ku caanka tahay ka qoray Maasha Allada-iyo-Wegerta, in ay wax ka sheegeen in Madaxweynuhu aanu feedhan (Madaxweynahan ma feedhaha ah iga daa uu wegertu yidh) oo ilaa hadda aan laga ogolayn Djibouti.

Geelaha mar afraadka hadda u sharaxan madaxweynenimada Jamhuuriyadda Jabuuti waxa la uu jagadan madaxweynaha ku fadhiistay sanadkii 1999 markii uu ku wareejiyey adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon.

 

Eeg wargeyska qoray