Qofkii Qaba Qabiil aynu ku Qeybsano waa Qaran Dumis, ee Qiro ujeedadaada. Qalinkii:Maxamuud-Yaasin Cabdillahi Ciro.

Laga bilaabo 18-May 1991, la soo noqoshadii Madaxbanaanidii Somaliland ilaa iyo sanadkii 2001 madaxda Dalka waxa soo xuli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo shir wayne ay ku kulmaan ku dooran jiray madaxweyne, ku xugeenkiisa iyo labada Gole ee Sharci Dejinta.  Sanadkii 2001, ansixintiin Distoorka kadib wuxuu shacabka Somaliland heeryada u qaatey yagleelida nidaam dawladeed oo ku saleysan dimoqraadiyad ah HAL QOF HAL COD, tiiyo hogaanka Dalkana loo igmadey in ay hayaan xisbiyo siyaasadeed oo ku soo baxa codka shacabka.  Bishii December 2002, ayaa markii u horaysay tan iyo 1969 shacabka Somaliland fursad u heleen in ay u dareeraan codbixin ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyo Qaran, hogaanka dalkana u tartama. Geediga loogu hayaamey nidaamka Xisbiyada HAL QOF HAL COD ayaa ahaa nidaam dhaama beelo si toos ah u soo xusha hogaanka, waxaaney aheyd guul wayn oo Somaliland iyo Shacabkeeda u soo hoyatey maadaama ay Mandaqada Geeska Afrika nidaamka Dimuqraadigu ku adag yahey in uu ka hirgalo.

 Haddaba, mar haddii Dalku qaatey nidaamka dimoqraadi ah ee HAL QOF HAL COD oo tartanku furan yahay, qofkii hogaanka dalkana Hunguri ka hayana u banaantahey in uu xisbiyada Qaran ku doorbido ku biiro, waxa la is weydiin karaa maxaa maantaa, oo geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Dalku 25 jirsadey, keenay in bulshada qaar ku doodaan  kuraasta Golaha Wakiilada ha lagu qeybsado qaab beeleed. Ninka maanta u boholyoobaya nidaam Beleedkii laga guurey ee Dalka aynu dariska nahey ee Soomaaliya raagaadiyey, waa nin madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland aan aaminsaneyn, maadaama uu diidan yahey ku dhaqanka Distoorka bulshadu cod aqlabiyad ah ku ansixisey. Doodiisuna ka durugsan aynu Qabiil wax ku qeybsano, waxaana la haboon in uu u badheedho ujeedadiisa, waana farriinta uu xambaarsan yahey cinwaanka maqaalkan wato ee ah :   Qofkii Qaba Qabiil aynu ku Qeybsano waa Qaran Dumis, ee Qiro ujeedadaada.

Somaliland ha Noolaato,

Maxamuud-Yaasin Cabdillahi Ciro.

Brussels. Belgium