SHAQAALAHA DAHABSHIILBANK OO HARGAYSA LOOGU SOOXIDHAY TABABAR CAALAMIYA + SAWIRO.

Hargeysa (GNN)- 35 Xubnood oo Wakiiladda iyo Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil Bank ee Somaliland iyo Somalia ka kala yimid, ayaa Magaaladda Hargeysa loogu soo xidhay Tababar Caalami ah oo ay bixinaysay Hay’ad lagu magacaabo Al-Macaadi Consultenty Farm, kaasi oo lagu baranaayey  dhinaca adeegyadda Maamulka Bangiga Islaamiga ah.

Tababarkan oo mudo Saddex Maalmood ah ka socday Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa shaqaalaha lasiinayay  ay iskugu jireen Wakiiladda iyo Shaqaalaha Dahabshiil Bank oo ka kala socday Deegaanadda dalalka Somaliland iyo Somalia.

Tabarkan ayaa waxaa  bixinayey Macalimiin iyo Khabiiro ka socday Shirkadda Al-Macaadi Consultenty Farm ee fadhigeedu yahay Magaaladda Dubia ee dalka Imaaraadka, waxayna shaqaalahaasi ku baranaayeen muddadii uu socday tobobarku nidaamka maamul iyo hawlaha shaqo ee Bankiyadda Islaamiga ee dunidu u hawlgalaan uguna adeegaan Macaamiisheeda iyada oo xidhitaankii tababarkaasi ay ka qaybgaleen Madaxa Maalgelinta Banka Dahabshiil International Cabdixakiim Maxamed Ismaaciil, Maamulaha Guud ee DahabShiil Bank Maxamed Siciid Cawaale, Wakiilka Magaaladda Muqdisho ee Dahab-Shiil Bank Cabdilaahi Nuur iyo Masuuliyiin iyo Khabiiro ka socday Al-Macaadi Consultenty Farm isla markaana ka mid ahaa barayaashii bixinaayey aqoon korodhsigaasi Shaqaalaha iyo Wakiiladda Dahabshiil Bank loo soo xidhay.

Madaxa Maalgelinta Banka Dahabshiil International Cabdixakiim Maxamed Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlay Tababarkan loo soo xidhay Shaqaalaha  iyo Wakiilada Somaliland ,Puntland iyo Somalia ee Dahabshiil Bank oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Run ahaantii maanta oo ah maalin Isniin ah bishuna tahay 21-ka Bisha 3aad ee 2016-ka ,waxa si guul leh inoogu soo gebo geboobay Barnaamij ka mid ah Barnaamijiyadda taxana ah ee joogtadda ah ee xaga tababarka ah kuna saabsanaa Tababarka shaqaalaha ee hawlaha Bangiyadda guud ahaan, kaas oo kor loogu qaadayey aqoonta iyo tayada Shaqaalaha , sido kalena lagu kobcinaayey adeega Banku u fidiyo macaamiishiisa, tababarkan wuxu ahaa tababar heer Caalami ah waayo waxa bixineysay Shirkadda loo yaqaano Shirkatul Al-Micaadi AL-Maaliyin Islamia ee (Al-Macaadi Consultenty Farm) oo runtii ah shirkad Caalami ah oo bixisa tababaradda hawlaha Maaliyadda iyo Bangiyadda, waana shirkad ka jirta dalka Imaaraadka Carabta, waxaana tababarka bixinaayey nin Diktoor ah oo Khabiir ah oo ah Dr Caadif Al-Shindraawi, sida kale isaguna waxa tababarka qayb ka ahaa Khabiirka weyn ee Dr Ismaaciil Aadan Iidle oo runtii qayb ka ah shirkadda Al-Macaadi Bank Consultenty Farm hirgeliyeyna barnaamijkani in uu noqdo mid midho dhala , barnaamijkana runtii waxa ka qayb qaatay 35 Xubnood oo ka mid ah Madax waaxyeedyadda Bangiga laamaha kala duwan ee uu ku leeyahay Somaliland, Somalia iyo hawl wadeenadda kala duwan ee Dahabshiil Bank, run ahaantii muu aheyn tababar inta kaliya warbixin la kala qaato lagu kala tegaayo ee wuxu ahaa Barnaamij aqoon iyo Khibrad iyo maamulka ka jira Bangiyadda aduunka ka jira lagu baranaayey run ahaantiina si fiican ayuu u dhacay aqoon korodhsigan saddexda maalmood noo socday”

Wakiilka Magaaladda Muqdisho ee Dahab-Shiil Bank Cabdilaahi Nuur oo isaguna ku hadlaayey Afka shaqaalaha Dahabshiil Bank ee dalka Somalia ka socday ee tababarkan aqoon korodhsiga ka qaybgalay ayaa yidhi “Waxaan runtii u mahadnaqayaa Dr Caadif iyo Shirkadda Dahabshiil Bank oo tababarkan abaabulkiisa ka soo shaqeeyey , waxa hubaal ah in aqoon korodhsigan laga faa’iideystay waxaanay ka muuqatay kulankii saddexda maalmood ahaa ee faa’iiddada runtii nin walba meel ka dareemaayey oo wax badan oo aynu u baaheyna waa la helay waxyaabo badan oo dhib badan ku hayey shaqaalahana runtii markii Su’aalihii tababarka laysku waydiiyey waxaan filayaa in looga bogtay  wixii dhimana waxaan filayaa inay iman doonto sidii Cabdixakiim balanqaaday, nidaamkan Banka Islaamiga ahina waa wax dunida ku cusub runtii oo wakhti aad u dhaw bilawday, maadama oo ay sida tahay waxaan filayaa inay wax badani soo kordheen”

Khabiir Dr Ismaaciil Aadan Iidle oo ka socday  shirkadda Al-Macaad Consultenty Farm kana mid ahaa Barayaashii Aqoon korodhsiga mudada Saddexda Maalmood ah loo qabtay Shaqaalaha Banka Dahab-Shiil ee 35 xubnood ka badna wax baraayey oo xidhitaanka Tababarkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Salaan ka dib sida la sheegay magacaybu waa Dr Ismaaciil Aadan Iidle oo 40 sanno ka badan ayaa ka shaqeynaayey Bank-yadda waxaan ka soo shaqeeyey waddamadda Khaliijka gaar ahaan inta badan waxaan ka shaqeynaayey waddanka Imaaraadka, Shirkaddayadani waxay tababarka sii saa Baananka waa weyn ee ku yaala Imaaraadka ee ay ka mid yihiin Dubia Islamic Bank, si la mid ah waxaanu tababaro siina Bangiyo badan oo dunida ka mid ah, xafiiskayga ugu weynina waa Dubia ayuu ku yaala, marka shirkaddu adeegyada ay bixisa waa La Talin iyo Tababarid, marka talo bixinta waxa ka mid ah markii ay Bangiyadu dumeen 2008-kii , Baanan faro badan ayaa isku wareejiyey World Islamic Banks-ka ,marka baanan faro badan ayaa noqday kuwo nidaamka Islaamiga ah qaatay ileen waxa weeye burburkii sannaddii 2008-kii Bangiyadda  aduunka ku dhacay kuwa kali ah ee badbaaday waxay noqdeen kuwii Bangiyadda Islaamiga ah ahaa, marka maadama oo ay Bangiyadda Islaamiga ahi soo badanayaan Bangiyadda kale ayey nidaam Islaamic Bank ah u bedesha”

Dr Caadif Al-Shindraawi oo ah Macalinkii tababarkaasi Saddexda Cisho socday baraha ka ahaa ahna Sarkaal Hay’adda Al-Macaad Consultenty Farm ka socday oo isna xidhitaanka Tababarka ka hadlay ayaa u  mahadceliyey dhamaan 35 xubnood ee shaqaalaha laamaha Dahabshiil Bank ee Somaliland iyo Somalia ka kala socday ee aqoon korodhsiga ka qaybqaatay isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshaha dalka Somaliland oo uu tilmaamay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo aad u naxariis badan, balse u mahadcelinaayo Maamulka guud ee Shirkadda Dahabshiil oo tababarkani in uu qabsoomo agaasin keeda lahaa, waxaanu xubnihii tirada ahaa ee tababarka qaatay ka codsaday inay dabaqaan wixii ay barteen isla markaana Macaamiishooda ugu adeegaan wixii ay korodhsadeen.

Xubno kala ah Cabdiqani Cabdilaahi Guuleed, Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Hodan oo saddexdooduba ka mid ahaa Hawladeenadda Wakiiladda iyo Shaqaalaha Shirkadda Baanka Dahabshiil  ee Somaliland , Putland iyo Somalia ayaa iyaga oo xubnihii kale afkooda ka wakiil ahaa waxay saddexduba ka mahadceliyeen mudada tababarkan loo soo waday iyo aqoontii iyo waayo aragnimadii ay ka heleen waxaanay hoosta ka xariiqeen oo balanqaadeen inay wixii ay ka korodhsadeen tababarkaasi ay kula noqon doonaan goobihii ay ka shaqeynaayeen wixii talo iyo tusaale la siiyeyna ay ugu adeegi doonaan bulshadda macaamiishooda ee Dahabshiil Bank ku xidhan.

Waxa Tababarka soo xidhay Maxamed Socood Cawaale oo ku hadlaayey Shirkadda Dahabshiil Group ahna Maamulaha Guud ee DahabShiil Bank waxaanu yidhi “Kolay tacab dheer ayaa la soo galay oo waa la daalan yahay oo idinku saaka sidaad u fadhiisateen ayaad u fadhidaan anaguna sidii ayuumbaanu taaganahay oo shaqo ayaanu ka nimid, laakiin aan soo koobo hadalka, aniga oo ku hadlaaya magaca  maamulaha guud ee Dahabshiil Bank iyo magaca shirkadda guud ee Dahabshiil Group , waxaan runtii aad ugu faraxsanahay Tababarkan aqoon korodhsiga ah ee Caalamiga ah ee halkan loogu qabtay aan idhaahdo ee shaqaalihii Dahabshiil Group gaar ahaan shaqaalaha Dahabshiil Bank, runtiina waan ku faraxsanahay tababarkan muhiimka ah oo anigunu idin lamaan joogin ee waxaan arkay dadkii  qaatay iyo midhaha ka soo baxay dhawr qof oo ilaa Lix ama shan qof ayaan wax ka waydiiyey oo qof waliba wuxu iigu sheegay in aanu tababar kan oo kale ahi hore inoo soo marin oo tababar Caalami ah oo heer sare ah ayuu ahaa mana aha tababarkii ugu horeeyey ee noocan ah oo kuwo kale oo badan ayaa jiray qaar dambe oo badana waynu qaadan doona, laakiin sifaha tababarkani waa ka duwan yahay kuweene hore mahada tababarkana waxa iska leh Maamulka Dahabshiil Group gaar ahaan Dahabshiil Bank”

muhiimada tababarka loo sameeyey ayaaa ahayd  sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalah Dahabshilbank taas oo lagu hor marinayo aqoontooda iyo xirfada shaqo waxaa soo qaban qaabiyey maamulka guud ee Dahabshiil group gaar ahaa Dahabshilbank manager, waxaa gudbinyey tababarka aqoonyahno kuso shaqeyey bank mudo dheer.

Gabagabadii waxa halkaasi shahadooyin lagu gudoonsiiyey Dhamaan shaqaalihii ka soo qayb galay aqoon iswaydaarisgaasi, waxaanu ku soo dhamaaday kulan kaasi aqoon iswaydaarsiga ah jawi farxadeed oo dagan waxaanu ahaa mid si meeqaam sare loo soo agaasimay, waxaanay u muuqatay mid juhdi faro badan iyo dadaal dheeraad ah la galiyey.

 

 

Log1