Shirwaynihii 6aad ee Kulmiye UK iyo Gudid Cusub oo la doortay + SAWIRO.

shirwaynihii Lixaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye UK ayaa xalay lagu qabtay magaalada Bristol shirweynahaas oo indhaweydba qabanqaabadiisu socotay ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaanba laamaha xisbiga ee wadankan UK ayaa xalay si xor oo xalaal ah loogu doortay gudigii hagi lahaa xisbigan 2da sano ee socda.

Screen Shot 2016-03-07 at 23.15.05

 

 


Screen Shot 2016-03-07 at 23.14.34

Munaasabadan ayaa ahayd mid aad loo soo qabanqaabiyay loona soo agaasimay ayaa hab gacan taag ah loogu doortay gudiga goobta lagu doortay oo isugu jiray xubno cusub iyo xubno gudigii hore ka tirsan oo uu ka mid yahay gudoomihii kulmiye UK Xariir Xirsi Adar oo dib loogu doortay jagadii gudoomiyenimo.Screen Shot 2016-03-07 at 23.14.58

Gudoomiyihii gudiga qaban-qaabada Ibrahim Carab ayaa halkaas ka akhriyey list-kii xubnihii murashaxiinta u ahaa gudiga fulinta iyo gudigii garabka dhalinyarada, garabka haweenka iyo sidoo kale Mus-danbeedkii xisbiga, isla markaasna cod gacan taag ah mid mid loogu taagay sidaasna lagu ansixiyey Gudigii Cusbaa ee Kumiye UK
sidoo kale waxaa halkaas ka warbixyay xeerka iyo shuruucdii xisbiga kulmiye UK oo wax ka bedel qaybo ka mid lagu sameeyey ka akhriyey Xoghayihii Gudiga Qaban-qaabada Aadan Hadi waxa sidoo kale xoghayuhu ka sheekeeyey qaabkii iyo maraaxishii ay soo mareen mudadii ay ahaayeen gudigii qaban qaabada.Screen Shot 2016-03-07 at 23.15.18

Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Mr Maxamed Cabdi Raambe ayaa halkaasi ka soo jeediyey marxaladihii kala duwanaa ee xisbigu soo maray intii ay hogaanka u hayeen iyo weliba waxyaabihii u qabsoomay

Munaasabadan oo Khudbado ka jeediyeen gudoomiye yaashii laamaha Xisbiga sidoo kale marti sharaftii kasoo qayb gashay oo halkaas dardaaran iyo in gacanta laysku qabsado arinta xisbiga kasoo jeediyey

Marti sharaftii kasoo qayb gashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Somaliland Uk u fadhiya Cali Aadan Cawaale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Maxamed Ibrahin Qabo, Lataliyaha Madaxweynaha Amuuraha dhawaalaha Axmed Xasan Carwo, Siyaasi Khaliif Xiinwaal iyo weliba Gudoomiye ku xigeenka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland C/raxmaan Doodi.

Gebogebadii waxaa munaasabdii lagusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Kulmiye UK Mr Xariir oo Balan qaaday inay ka shaqayn doonaan horumatka xisbiga isla markaana qaadan doonaan talooyinkii goobta laga soo jeediyey

Waxaa munaasabada soo xidhay gudoomiyihii Gudiga Qaban-qaabada Ibrahin Carab oo aad iyo ugu mahadnaqay dhamaanba laamaha iyo taageeerayaasha xisbiga sidii qiimaha badnayd ee ay ula shaqeeyeen una garab istaageen mudadii ay howsha wadeen

.

Magacyadii Gudida Fulinta iyo Musdanbeedka.

Guddiga Fulinta Kulmiye UK

Xariir Xirsi Adar – Guddoomiye

Mohamed Abdi Adan – Afhayeen

 Ahmed Osman Adan – Lacaghaye

 Abdi Omar  Ali -Xoghayaha Guud

 Ahmed-weli Mahamoud Egeh

 Amran Bile Ali – Gudomiyaha Garabka haweenka

 Yasmin Abokor Abdi – Gudomiye ku xigeenka Garabka Dhallinyarada

 A/Rahman Mahamud Ahmed

 Abdillahi Duran Abdillahi

 Ahmed Abdillahi Omar – Gudomiyaha Garabka Dhallinyarada

 Kayse Geelle Xiddig

 Mohamed Hassan Yasin – Xidhiidhiye

 Ahmed Abdillahi Mahamud – Gudomiye ku xigeenka 1aad

 Khadra Sulaman Sarman  – Gudomiye ku xigeenka Garabka Haweenka

 Naima Hussein Jama – Gudomiye ku xigeenka 2aad

 Yasin Farah Muuse

 Mustafe Osman Qotaali

 Asha Aiban Adan

 Bashe Abdi Kabadhe

 Guddiga Musdambeedka Kulmiye UK

Ibahmim Arab Jama

 Mohamed A/Rahman Mohamed

 Hussein Ahmed Aideed

 Ahmed Ali Kildhi

 Mohamed Younis Awale

 Saleban Adan Carrablow

 Farah Hassan Jagac