TACSI Tiiraanyaleh:Masuuliyiinta Hay’adda East Africa Development ( EAD ) waxay tacsi u dirayaan ehelkii Marxuum Eng. Axmed Warsame Saciid oo ahaa Eng.ka Dawga-Cad.

Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi raajucuun:

Anaga oo ku hadlayna magaca gudida Hay’adda East Africa Development ( EAD ) iyo taageerayaasha Hay’adda waxaanu halkan Tacsi uga diraynaa ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Somaliland, anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Eng. Axmed Warsame Saciid oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Somaliland. Waxaanu Marxuumka Ilaahay uga baryeynaa inuu qabriga u nuuro, naxariistii Jannatul-Fardawsana ka waraabiyo, dhammaan Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allah ha u naxariisto Eng Axmed wuxuu ahaa muwaadin qiimo weyn ku lahaa bulshada Somaliland, wuxuu qayb weyn ka soo qaatay horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ka tirsanaa gudida Dawga-Cad, waxaanu ahaa Engineer-ka gacanta ku hayey dhismaha Dawga-Cad. 

Tix gelin

Gudida

Hay’adda EAD