War-Deg-Dega:-Hadhaagii Dableydii Dishay Taliye Casayr Oo Hadda Ciidamada Qaranka Somaliland Gacanta Kusoo Dhigeen.

Berbera(GNN):-Wararka Hada Ka Imanaya Magalada Berbera Ee Gobolka Saaxil ayaa Sheegaya In Hada Gacanta Lagu Soo Dhigay Saddax Qof Oo Ka Hadhsanaa Dablayadi Dishay Taliyihi Qaybta Boliska Ee Gobolka Saaxil Marxuum C/Risaaq Casayr

Cidanka Qaranka Oo Ku Daba Jiray Baadi Doonka Saddaxdan Qof Ayaa Hada Gacanta Ku Dhigay Waxa La Filayaa Inay Hadda Warbaahinta La Hadlaan Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Taliyayaasha Ciidanka Qaranka Arintana Ay Shaaca Ka Qaadaan Waxaana Hadda Gacanta Lagu Dhigay Sadexdii Nin Ee Ka Hadhay Dablaydii Dishay Taliye Casayr

Waxaana Ilawardeenkan Hadda U xaqiijiyey Shabakada Caalamiga ah ee gabiley News Network Mid Kamid Ah Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Xaalada Guud Ee Gobolka Saaxil Ayaa Ilaa Hadda degan, Kadib markii Ciidamada Kala Duwan ee Somaliland Oo kaashanaya Madaxda Kala Duwan Ay Si Heegan Uga hawlgaleen falkan.

Lasoco wixii warar ah ee kusoo kordha arrintan.