War-Murtiyeed ka Soo Baxay Kullankii Laamaha Yurub ee Xisbiga Kulmiye oo Ka Dhacay Dalka Sweden

Ujeeddo:War-Murtiyeed:

Kullan Balaadhan oo Magaalada Stockholm ku Dhex maray Qaar ka mid ah Madaxda Laamaha Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga iyo Galbeedka Yurub ayaa lagu Falanqeeyay Dardar Galinta Xisbiga ee Qaarada Yurub iyo Sidii Dhaqaale ahaan Qurbajoogta yurub uga Qayb qaadan lahaayeen Ololaha Doorashooyinka ee Xisbigu Waajihi Doono 2017-ka
Kullankaasi ayaa laga Soo Saaray Qodobadan Soo Socda:
1. In la Xoojiyo Lana Adkeeyo Isku Xidhka Laamaha Yurub ee Xisbiga Kulmiye
2. In la Sameeyo Dhaqaale Abuur ku Waajahan Doorashada 2017 ka Dhici doonta Somaliland.
3. In La Dhiso Hogaan Guud oo Mideeya Laamaha Yurub
4. In la Dhiso Gudi Qaban Qaabo oo ka shaqaysa Doorashada Hogaanka Guud ee Laamaha Yurub ee Xisbiga Kulmiye.
5. In Laamaha Xisbigu Si Baaxadleh uga Qayb qaataan Abaaraha Baahsan ee ka jira Wadankeena Somaliland.
6. In la isugu Yimaado Shirwayne 2-aad ooLaamaha Xisbiga eeYurub Ku kulmaan Dalka Finland 29/04/2016 Magaalada Helsinki.
Wixii Faahfaahina ee Ku Saabsan Wajiga labaad ee Shirka Laamaha Yurub ee Xisbiga Kulmiye Waxaad kala Xidhiidhi kartaan Telefoonada Hoos ku Xusan.
00358466375012
00358504616818
Alla Mahad Leh
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laanta Wadanka Sweden
Fu’aad Kaamil Ciise