Wardeg-dega:Taliyahii Qaybta Ee Gobolka Saaxil Oo La Toogtay iyo Ciidan kale oo Dhaawacmay.

Berbera(GNN):-Wararka Hadda Naga Soo Gaadhaya Magaalada Berbera Ayaa Sheeegaya In Hadda Isku Dhac Dhexmaray kooxdii Hore U Weerartay Dekedadii Laysku haystay ee Ceelgarde iyo ciidamada Booliska ee magaalada Berbera, Kaas Oo uu Horkacayey Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr Kaid Markii ciidamdu isku dayeen inay kasoo qabqabtaan kooxdan falaagada ah, Oo Ku Sugan Buurta Lagu Magacaabo Biyaley,Ayaa waxaa Alle Ha U Naxariistee Ku geeriyooday Iska Hor Imaadkaasi taliyihii qaybta ee Gobolka Saaxil C/risaaq Yusuf Casary Waxaana Magaalada Berbera kagaga Beegan Tahay Bariga, Waxaa Wararku Intaa Ku Dareen in Laba Askari oo Ka Tirsan Ciidankan Lagu Dhaawacay

12801315_1075416462524837_7168941961998699741_n

Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Kala Soco gabiley news\

Gabiley News Network
Axmed Osman Almis