Warsaxaafadeed: Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Afhayeenka Xisbiga.

Ujeeddo:Magacaabis Xil

Date:08/03/2016

Ujeeddo:Magacaabis Xil

Ku: Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi)

ØMarkaan arkay xilka Af-hayeenka xisbiga iyo muhiimaddiisa

ØMarkaan ku qancay xilkasnimadiisa shaqo

Waxaan xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE u magacaabay Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay March 8 – 2016. Waxaannan u rajaynayaa in Alle ku garab galo xilkan.

Magacaabista xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE waxay dhaqangalaysaa taariikhda magacaabistiisa ee kor ku xusan. Xil-gudasho wacan.

AllaMahadLeh

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

Muuse Biixi Cabdi.