Wasaarada Warfaafinta-Abwaan Cashuur Oo Cadaalada Ka Gabyey, Cabudhin Lagula Kacay+Cawaaqib Xumada Ka Dhalankarta, iyo Wasiir Caddaani Oo Muddo Kooban Masuulka Ah.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada Warfaafinta-Abwaan Cashuur Oo Cadaalada Ka Gabyey, Cabudhin Lagula Kacay+Cawaaqib Xumada Ka Dhalankarta, iyo Wasiir Caddaani Oo Muddo Kooban Masuulka.

Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Dhawaan Xilkeeda Uu La Wareegay Wasiir Cismaan Saxardiid Cadaani, Ayaa Waxaa Maanta Soo ifbaxay gabay uu dhawaan tiriyey abwaanka weyn C/raxmaan Cumar Cashuur oo Uu Kagaga hadlayo Cadaalada Iyo Dulmiga Lagula Kaco Shaqaalaha Kala duwan marka Ay Shirkad Ama Dawlad U Shaqeynayaan Waxaana Abwaanka Oo kamida shaqaalaha wasaarada warfaafinta muddo dheer, kana soo qayb-qaatay dib u xorayntii dalka somaliland, suugaan iyo gabayo farabadana ka tiriyey masayrka umadan somaliland iyo jiritaankeeda, si aanu wax uga ogaano jiritaanka arrintan khadka telefoonka oo aanu kula xidhiidhnay waxaa uu noo xaqiijiyey in qaar kamida masuuliyiinta wasaaarada warfaafintu fariimo kala duwan hawada u mariyeen kuwaas oo ku eedaynaya in ay mabnuuc tahay in gabay uu tiriyo, ama suugaantiisa uu ilahay hibada u siiyey uu kagaga hadlo xaalaadka kala duwan ee ka jira gayigan uu kunool yahay, Waxaana Shaqaaalaha wasaaarada warfaafinta oo aanu la xidhiidhnay sidoo kale noo xaqiijiyeen in arrintan ay maanta uun maqleen arkeena qaar kamida masuuliyiinta wasaarada oo isla dhexwareegaya ereyo kooban oo uu abwaanku yidhi isla markaan ay waraaqo ku daabaceen, kun hanjabeen in gudida anshaxa ee wasaarada la horgayn doono, Waxaaney shaqaalaha wasaaradu wacad ku mareen in haddii arrintaasi dhacdo, Ama Abwaanka uu Miisaan Ku Leh Qarankan Cidi Cabudhin Ama Cagajuglayn kula kacdo in aanu ka dareeridoono Shaqada aanu wasaarada u hayno isla markaana ku biiridoono Xisbiyada Mucaaridka Ee ka Jira Dalka,
Abwaan C/raxmaan Cumar cashuur ayaa, Hadaladiisii waxa ka mid ahaa ‘Xoriyada oo qofka laga qaado dib ka weyni ma jirto, way kala duwan tahay shaqada uu qaranka u shaqeynayo qofku, iyo ta gaarka ah ee abwaanimo oo aan kagaga hadlayo danta caamka ah, iyo waaqiciga dhabta ah ee dalkayga hooyo, waxay igu noqotay layaab cashuurbaa gabay lagu haystaa, dawladii maxamed siyaad barre ayaa waxaa dhici jirtay ragg badan oo abwaano ahaa, afkoodii ku waayeen wakhti badan xoriyadoodii, halka qaarna uba dhinteenba, Markaa ilama aha mid aan filayo inay taasi dhacdo,” Abwaankan oo ah tiirarka dhinaca sugaanta ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta somaliland, oo dhex degan xayndaabka wasaarada warfaafinta, ayaa xiligii Boobe yuusuf ducaale uu wasiirka ka ahaa wasaarada amar ku bixiyey in laga saaro gudaha wasaarada abwaankan, waxaana ka gadooday shaqaale waynaha wasaarada warfaafinta iyagoo dareenkooda ku cabiray sida ay uga soo horjeedaan in abwaanka laga saaro wasaarada ama shaqada laga joojiyo, waxaana wada hadal kadib lagu heshiiyey inuu sidii awal u shaqayn jiray uga shaqeeyo.

GABAYGA ABWAANKA LAGU QOONSADAY

Waa lagu dirqiyey cawdhiyaba manta dakharkaase
Danbaa ku khasabtaye muu ahayn ruux dabeeca xun
Danab kaa agaasimaha sigay waa digniin culuse
Dibkaa agmaray idina wuu idin dulyaale
Midba kolay duraysaba dhacdadu waa is daba jooge
Wasiirkaa dakanada u ehela kiisaskii dura
Dumarkay u dhawdahay inay dirirtu gaadhaaye
Maareeyahay dar u hagraday dawyada u galiye
Xasan maxamed buu daba socdaa xabashi deegaane
Danbi aanu galinbaa fatoor dudayaa
Wayab buu shaqaalahu daniyey wararka duubaa
Duwashada wixii qabaxa xagar waa isku diiwaan
Miskiin daalay caanuhu sitaa loogu daw galaye
Inta dadan xilalkiyo wixii daahir waa shamise
Halkaa diirada lagu hayaa waa dulinka weeye
Ka dareeriyaa nala yidhiyo dooshado abuurka
Falaas yaan la soo dayntiyo godobka doon doonka
Darjiidhkani labada taliye wuu dambarsan doonaa
Darajada laguu xidhay hadaad dawga uga baydho
Inay kala dambayntii luntaa waa daruuriba

ma Jiro Ilaa Hadda wax war ah oo ku saaabsan arrintan oo kasoo baxay wasiirka cusub ee wasaaarada warfaafinta, cismaan saxardiid cadaani, oo shaqsiyaad gaar ahi doonayaan inay majaro habaabiyaan,
kuwaas oo wasiir kasta oo yimaada carqalad iyo buuq cagaha u galiya, bilaha ugu horeeya,

HARGEISA SOMALILAND
GABILEY NEWS NETWORK
CONTACTGABILEYNEWS@GMAIL.COM