Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Loo rakibayo Tamarta laga Dhaliyo cadceedda

 Wasiirada Wasaaradaha  Warfaafinta iyo Tamarta ayaa Xarunta Wasaarada Warfaafinta si wadajir ah uga dhagax dhigay mashruuca dhismaha Quwadda tamarta ee laga dhaliyo cadceeda kaasoo ay Wasaaradda Warfaafintu kaga maarmi doonto tamartii hore ee ay isticmaali jirtay.

Mashruucan oo ay ku deeqday Dawlada Isutagga Imaaraatka carabtu waxaa soo diyaarisay wasaaradda tamarta iyo macdanta ee Somaliland, waxana uu culays badan oo dhaqaale ka furanayaa Wasaaradda warfaafinta oo ka mid ah wasaaradaha ugu balaadhan hay’adaha Dawladda, mas’uuliyad culusna u xilsaaran

Munaasabadda Dhagax dhiga oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen madaxda kale ee Wasaaradda iyo wefti farsamoyaqaano ah oo ka socda Dawlada Imaaraatka ayaa waxa hadal ka jeediyey  Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo Tamarta ee JSL Md Xuseen Cabdi Ducaale waxana uu ka waramay Mashruucan iyo qiimaha uu ugu fadhiyo dalka, waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa sidan: ‘Runtii Farxad weyn ayay u tahay wasaaradda tamarta in aynu maanta halkan si wadajir ah u yagleelno mashruuca lagu dhalinayo tamar cusboonaata oo joogto ah oo ku filnaan doonta Wasaaradda Warfaafinta oo aanu hormuud ka dhignay maadaama aanu dareensan nahay in ay u baahan tahay tamar noocan oo kale ah, taasoo weliba noqon doonta mid aad idinku Wasaarad ahaan leedihiin oo aan wax kharash ah la idinku soo dallaci doonin’

Wasiirka tamarta Somaliland waxa kale oo uu sheegay in mashruucani qayb ka yahay  taageerooyin kala duwan oo ay Dawlada Imaaraatka Carabtu ugu deeqday Somaliland, ka dib socdaalkii Madaxweynaha JSL ku tegay wadankaasi dhamaadkii sanadkii ina dhaafay ee 2015 iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo mansuur Bin Zayed, halka sidoo kalena wasiirku u mahadceliyey Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Ambassador Baashe Cawil oo uu sheegay inuu hawl badan ka qabtay sidii mashruucani u soo baxay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta Md Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) oo  isaguna munaasabadaa ka hadlay waxa uu uga mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Tamarta sida uu kaalinta koowaad uga dhigay Wasaaradda Warfaafinta ka faa’iidaysiga mashruucan, waxana uu yidhi sidan: ‘ waxaan Wasiirka Tamarta Md Xuseen Cabdi Ducaale ugaga mahadnaqayaa sida uu ahmiyadda u siiyey wasaaradda warfaafinta oo lafdhabar u ah Dalkan JSL, mashruucuna wasaaradda waxa uu ka dejin doono culays dhaqaale oo weyn’ isagoo sidoo kale wasiirku si guud uga mahadnaqay Madaxda dawlada imaaraatka taageerada hagar la’aanta ah ee ay la dhinac taagan yihiin shacbiga Somaliland, si gaar ahna waxa uu hambalyeeyey gudiga farsamo ee ka socday Dawlada Imaaraatka, gacantana ku haya hirgelinta Mashruucan wasaaradda warfaafinta loogu dhisayo dabka laga dhaliyo ilayska cadceeda.

Dhankiisana Engineer Caadil Sayid oo horkacayey Gudiga farsamoyaqaanada ee ka socday dawlada imaaraatka ayaa hadal uu munaasabadda dhagax dhiga ka jeediyey waxa uu ku sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic badan oo ay Dawladoodu ugu deeqday Jamhuuriyada Somaliland, qorshahuna yahay in wasaaradda warfaafinta Somaliland loo dhiso Shabakad Agabka soolarta ee cadceeda ka dhaliya dabka laydh tiriiga iyo tamarta kale ee loo baahan yahay taasoo quwadeedu gaadhi doonto 500 KW, hirgelintiisana  lagu dhammaystiro doono muddo lix bilood ah oo ka soo bilaabanaysa Bishii janaury ee 2016.