Xaalada Gobolka Saaxil Oo Degen Iyo Isgaadhsiintii Khadadka Telefoonadda Oo La Soo Celiyay.

Waxaana sidoo kalena habeenimadii xalay xilli danbe lasii daayay isgaadhsiintii telefoonada oo muddo laba casho ahba ka maqnayd hawada magaalada berbera iyo nawaaxigeeda.Wafti uu hogaaminayo madaxwyane ku xigeenka somaliland iyo wasiirka amniga somaliland oo ku sugan magaalada berbera ayaa iyagu ku hawlan sidiii ay u dajin lahaayeen xaalada berbera, sidoo kalena waxay ciidamada boolisku ku daba jiraan soo qabashada dableydii dishay taliyaha.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada-na waxay sheegayaan in ay xukumadda somaliland ay xabsiga u taxaabtay gudoomiye ku xigeenkii gobolka saaxil mudane Xaamud iyo taliyihii saldhiga degmada sheikh mudane Aamiin, sidoo kalena wararkaas waxay intaas ku darayaan inay xukuumadda iyo odayaasha uu kasoo jeeday taliyuhu ay isla afgarteen in la aaso maydka marxuun taliye Casayr oo maydkiisu ku jiray talaagad iyadoona la filayo in la aaso maanta.

Si kasteba ha ahaate ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka Gabiley.Net