Xasan Sheekh oo Baajiyay Safar uu ku Tegi lahaa Waddanka Sweden iyo Sababta.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh  ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa Dalka Sweden, kaddib shirkii Waddamada Ciidamadu ka joogaan Somaliya ee ka dhacay Dalka Jabuuti, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu soo gaabiyay socdaalkii uu dalka Jabuuti ku joogay, kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyadii lala beegsaday Hotel SYL iyo Beer lagu nasto oo ku taalla dhabarkiisa.

“Madaxweynuhu Wuxuu dib u dhigay Safar uu ku tegi lahaa 01-da – 03-da March Dalka Sweden,” ayuu lagu yidhi war-saxaafadeedka. Waxaana intaas lagu daray in booqashadan looga gol lahaa xoojinta xiriirka labada waddan.

Sidoo kale, Warkan ayaa lagu sheegay in Somaliya iyo Sweden uu ka dhexeeyo xiriir Qota-dheer, Gaar ahaan; Horumarinta, Dib-u-dhiska, soo Dhaweynta Qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo Gargaarka Aadaminimada.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka ay xaaladdu u saamaxdo uu tegi doono Dalka Sweden,” ayaa lagu yidhi warbixinta, iyadoo baajinta doorashadan ay kusoo beegmayso xilli ay Qaraxyo ka dhaceen Muqdisho.

 

Gabiley.Net