Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Ay Kusoo Dhawaynayeen Taageerayaal Kusoo Biiray Xisbiga + SAWIRO.

Waxaanay Munaasibaddani ay ka dhacday Magaalada Burco iyadoo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Saraakiisha ugu sareesa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed ka soo kicitimay Gobolada Sool , Sanaag iyo Buuhoodle iyo Taageerayaal kale .Ugu horeen waxaan halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga Ucid Mudane Aadan waxaanu si kal iyo lab ah u soo Dhaweeyay taageerayaasha Xisbiga ku soo biiray .

Waxaa iyaguna halkaasi Ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Sool/Buuhoodle  Ee Xisbiga Ucid Mursal Maxamed Ismaaciil Iyo  Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada Bari Ee Ucid Axmed Khaliif Caabi waxaanay si isku mid ah Xisbiga Ugu soo Dhaweyeen Taageerayaashaasi .

Sidoo kale waxay muujiyeen taageerada ay xisbiga u hayaan iyagoo sheegay in bulshada ku  dhaqan Gobolka Sool ay cududdooda iyo Codkoodaba ay ku hubsanayaan Xisbiga Ucid .

Caaqil Cabdi Jaamac Ducaale (Gaas) , Caaqil Cabdi  Maxamed Jaamac , Suldaan Kayse oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay  sheegeen in Xisbiga Ucid yahay xisbiga ugu haboon in uu talada dalka ku guuleesto .

Gudoomiyaha Uk Ee Xisbiga Ucid Mudane Siciid Ucid oo hadlay ayaa bulshada bariga Somaliland si adag ugu dardaaray in ay is muujiyaan oo ay Diinwaangalinta galaan .

Sidoo kale Xisbiga Ucid wuxuu ku tilmaamay Xisbi u taagan had iyo jeer dhismaha qaranka iyo sdiii looga hor tagi lahaa wax kastoo hagar daameenaya Somaliland  .

Gunaanadkii xafladaasi waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in ay Xisbiga ku soo Dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biirtay , waxaanu ka waramay Taariikhda Xisbiga Ucid iyo Magaalada Burco  .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Bulshada ku Dhaqan Gobolada Bariga gaar ahaan , Gobolada Sool Iyo Buuhoodle in ay diinwaangalinta galaan oo ay is muujiyaan .

 

1234567

 

Log1