Xukumadda Somaliland Oo Ku Fashilantay Go’aamadii Ay Kasoo Saartay Sicir Bararka  Iyo Sarifka Lacagta Dollarka Oo Kor U Kacay  

Hargeysa(GNN)-wasiirada, saraakiisha ciidamada, iyo waliba qaar kamida   agaasimayaasha wasaaraduhu ay kulan ku yeesheen qasriga madaxtooyada somaliland ayaa waxa lagaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa arimaha sixir bararka ka taagan dalka, sidoo kalena waxa intuu uu kulankaasi socday laga soo saaray go’aamo adag oo ku saabsan sixir bararka, iyada oo qadar go’aan loo gooyay In lagu sarifo lacagta dollarka si kor loogu qaado qiimaha ay leedahay lacagta shilling somalilana ayna noqoto mid hirgasha lacagta somaliland.Dhanka kalena  madaxwaynaha somaliland ayaa magacaabay guddi uu xil saaray arimaha sixir bararka oo uu gudoomiye ka yahay madaxwayne ku xigeenka somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic kuwaasi oo kulamo badan la yeeshay sariflayaasha dalka, shirkadaha gascansiga, iyo waliba gacansatada waa wayn iyaga oo sidoo kalena guddidaa la magacaabay kulmo gaara ay iyagu ku yeesheen qasriga madaxtooyada.

Hadaba go’aamadaa adag ee kasoo baxay kulamada ay yeesheen masuuliyintani ee wax lagaga qabanayay sixir bararka ka taagan dalka ayaa waxay noqdeen kuwo ay ku fashilmeen xukumadda somaliland iyo gudida uu madaxwayne siilaanyo u magacaabay arimahaasi, iyada oo dhanka kalena markii go’aamadaa xukuumadddu soo saartay  ay bulshada somaliland noqdeen kuwo ku farxay isla markaana ku taageeray xukumadda in kor loo qaado qiimaha ay leedahay lacagta somaliland isla markaana ay noqoto mid hirgasha.

Waxaana xukumadda somaliland ay go’aamisay in meel kaste laga isticmaalo lacagta shilling somaliland-ta isla markaana wax lagu kala iibsado balse waxa xusid mudan in ayaamo yar kadib ay noqoto arintaasi mid aan  hirgalin.

Si kasteba ha ahaatee Waxaana maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaya sarifka lacagta dollarka iyada oo saaka oo arbaco ah sarifka lacagta dollarku uu marayo Halka Dollar Todoba kun iyo shan boqol oo shilling somaliland (1$- 7500 shilling somaliland).

Gudida uu madaxwaynaha somaliland u magacaabay arimaha sixir bararka ayaa waxay noqdeen kuwo ku fashilmay sidii wax looga qaban lahaa arimaha sixir bararka dalka ka taagan waxaana meesha ka baxaysaa hadii sida ay sii socoto qiimaha ay leedahay lacagta shilling somaliland-ta.

Halkan hoose ka akhriso Go’maadii laga soo saaray sixir bararka ee dhicisoobay

  • Lacagta somaliland shilling-tu inay noqoto mid dalka oo dhan ka socoto oo ka shaqaysa
  • In lacagta somaliland aanay ku xidhnaan lacagta dollarka ama lacag kale maadaama lacagta somaliland ay tahay tiir kamida tiirarka ay qaranimada somaliland ku taagan tahay
  • In ciidii diida qaadashada lacagta somaliland In la marin doono sharciga dalka
  • In xal waara loo helo in sarifka somaliland uu noqdo mid fadhiya
  • In maanta waxii ka danbeeya bartilmaameedka sarifka lacagta somaliland uu noqdo mid lagu sarifo halka dollar lix kun oo shillin somaliland ah (1$- 6000 shilling).
  • In boqolka dollar noqdo mid lagu sarfio lix boqol oo kun (100$ – 600,000)

Waxaana kulan kasoo baxay sagaal qodob balse aanu midkoodna noqon mid hirgalla.