Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dhoolo Tus Ay Ugu Diyaar Garobayaan 18ka May Ka Sameeyay Hargaysa.

Hargeysa (GNN)- saddexda ciidan ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay ee qaranka, gaar ahaanna Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dembeeyey ku gudo jiray gaado ka ciyaar ay ka samanaynayeen qaar ka mid ah Garoomadda u dhow dhow xerada ciidanka Booliska.

images (2) images

Ciidanka-booliska-way-71-sanno-jirsadeenYYY.jpg

Khamiistii subaxnimadii saacadu markay ahayd 5:30 Am Subaxnimo ayaa ciidamada boolsiku iskugu soo baxeen dhoolatus balaadhan oo ay ugu diyaar garoobayaan sanad Guurada 25 aad ee ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Qaranimada Dalkan Somaliland.

Isku soo baxa ciidankan oo lagu kulmiyey xarunta xerada BIRMADKA ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxa iskugu yimi Ciidanka Booliska, oo kamid ah ciidammada kala duwan ee dalka ee
xxeraad isgu soo baxay maalintaas, waxaa madaxdii ka hadashay kamid ahaa taliyaha ciidammada booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillahai Fadal Iimaan waxaana uu ciidankiisa ku boorriyay sidii uu u gali lahaa kaalinta Koowaad taas badelkeedana waxay ciidamadu muujiyeen Dabaal deg iyo dhoolatus aad u farxad galiyey taliyaha oo isaguna ku diirsaday qaabka iyo nidaamka ay iskula jaan qaadayaan ciidamada dhoolatuska soo bandhigey.

Gabiley.net
Office Gabiley