Fadeexad Dul Hoganaysa Wasaarada Dib U Jadinta Iyo Maamulka Dawlada Hoose Berbera+Dad Dan Yar Ah Oo Ay Ku Wareejiyeen Guryo Qabyo Ah Iyo Qaylo Dhaanta Dadka Dan Yarta

Hargeysa(GNN )Wasaarada dib u dajinta somaliand iyo maamulka dawlada hoose magaalada berbera ayaa guryo qabyo ah oo aan lahayn albaab,daaqado,biyo iyo laydhtoona ku wareejiyaya dad dan yar ah oo ku noolaa magaalada berbera.
Waxaana dadkan dan yarta ah laga raray dhul ay dawladu leedahay oo ku yaala badhtamaha magaalada iyaga oo sidoo kalena maamulkani u raray dadkan meel masaafo ahaan u jirta magaalada 4KM isla markaana kaga beegan cidhifka koonfur bari ee magaalada.

6-40-740x415 5-42-740x415
Waxaana guryahan ay masuuliyiintani siiyeen dadkan dan yarta ah oo ah dad aan haysan waxay ku dabaraan baahiyahooda nololeed isla markaana aan ka maarmayn suuqa ay yihin guryo ay ka maqan yihiin dhamaanba baahiyihii asaasiga ahaa oo ay kamid yihiin caafimaadkii, dugsiyo waxbarasho,suuq ay wax kasoo iibsadaan iyo waliba wadooyin dhex maraya wallow ay jiraan waddo dhex marta xaafada balse aan ahayn laami oo ah tamuux taasi oo anay mari Karin gawaadhida yar yar.
Dadka dan yarta ah ee la siiyay guryahan ayaa iyagu cabasho xoogan ka muujiyay masuuliyiintani siiyay guryahan qabyada ah waxaana ay sheegeen inaan guryahani lahayn albaabo,daaqado,biyo iyo laydh toona sidoo kale waxay baaq u direen xukumadda Somaliland.4-55-740x415
Qaar kamida hooyooyinka dan yarta ah ee lagu wareejiyay guryahan ayaa iyagu sheegtay inay guryahani aad uga fog yihiin magaalada isla markaan ay kamaqan yihiin baahiyihii asaaasiga ahaa waxaana hadaladoodii kamid ahaa sida tan
“Guriga lay siiyay wakaa isagoo bilaa albaaba oo waa bilaa daaqado, biyo iyo laydh toona ma leh, ilayn waa xeeb meshiyu biyo iyo laydhba waan u baahanaye alle ka sokow waxay ii heli karyaaan inay isiyaan, xaas baan ahayoo ilayn caruur baan haystaaye”
“Guryaha nala siiyay albaab iyo daqado toona ma leh midh midh ayaa daaqado leh iyo albaab, laydhna iyo biyo toona ma leh waxaan u baahnay in laydh iyo biyoba lanoo galiyo,waddo naloo soo marana naloo sameeyo meesha nala geeyey magaalada wayn ka fog tahay, meel caafimaad ma leh dugsi caruurta aan gashano ma leh dee markaa wax hana loo qabto”

2-79-740x415
Si kasteba ha ahaatee guryahan qabyada ah ee lagu wareejiyay dadka dan yarta ah ayaa kuwo ay dhismahooda iska gaashadeen maamulka dawlada hoose degmada berbera iyo hayada la shaqeeya,iyada oo ay guryahaasi anay lahayn badiba adeegyadii asaasiga ahaa, waxaana ay noqonaysaa fadeexad dul hoganaysa masuuliyiinta wasaaradda dib u dajinta iyo maamulka dawlada hoose degmada berbera.

Gabiley.Net

Gabiley Office