Dhaliisha Maamulka Degmada Tog-Wajaale Oo Kor Usii socota Iyo Ganacastada Oo Siweyn U hadalhaysa

Tog-Wajaale(GNN)-Wasaarada Arimha Gudaha Somaliland ayaa, dhegaha ka fureysatey Talaabooyin iyo habdhaqan ku cusub nidaamka Maamulka Dawladnimo oo uu ku talaabsadey Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan oo ah nin aan aqoon Dugsi soo marin noocnaba islamarkaana, aan waligii nidaam Maamul meel lagu hagayo arag,taas o ay la amakaagsan yihiin Maamulkiisa ceebta ah kumanaan qof oo isugu jira Ganacsato iyo Shacbiga Degmada Tog-Wajaale.

Arinta Sida weyn loo hadalhayo maalmahan oo si xoog ah uga yaabisay guud ahaanba Ganacsatada iyo Shacbiga kunool Degmada Tog-Wajaale ayaa aheyd meherad Ganacsi oo uu si badheedh ah quful ugu jabiyay islamarkaana, uu amrey in la taxaabo Shaqaalihii, isagoo aflagfaadooyin aan joogsi laheyn ku ekaysiiyay Shaqaalaha meheradaa ka shaqeynayay waxaana kamid ahaa erayada uu adeegsadey

wajaale(8)waj2(1).jpg
Aniga iyo Madaxweynaha Kililka Shanaad Tog-Wajaale kawada arimin mayno, isagaa leh Bakhaarkan iyo erayo kale oo kasii xun,

Inkastoo aanay Maamulka Somaliland noocyadiisa kala duwan heer Degmo heer Gobol iyo heer Xukuumad dhexe midna caado u ahaan jirin faragalinta qaawan ee Ganacsatada iyo badheedhaha foolxumada ah ee uu ku qaadey Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale hadana waxa ay Shacbiga iyo Ganacsatada Reer Tog-Wajaale dhegaha faraha galiyeen kadib markii uu tiraba sadex jeer amar diido cad kala horyimid Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Xamse Cadaw Yuurura oo siweyn ugu xilqariyay in buuqooda loo maqlo maadaama uu faragalin toos ah ku kala kacey arimaha Ganacsiga oo aanu xeer iyo awood midna u laheyn iyagoo aan dambi galin in uu ku sameeyo Wanjale been abuur aan geedna loogu soo gaban waxeyse Wararku tibaaxeen in uu ugudbiyay Warbixintiisa Gudoomiyaha Gobolku dhinaca Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo aan xogogaal badan u laheyn Degmooyinka iyo Gobolada qaarkood.

“Waxaan layaabay habdhaqanka Gudoomiyahan jaahilka ah ee Tog-Wajaale horta hadey ugub inagu tahey mooyaane kolay marka Maamul la magacaabayo, ugu yaraan waa in uu Warqad akhriyi karo ee aanu odhanin hebalow akhri iyo hebelow kaaley ii Akhri Dawaldnimadey ceeb ku tahey waxaase kasii daran sida uu dadka uga been abuurayo ee uu u wanajalayo Waxaan Maqalayey Cumar Dheere ayuu ku sheegay nin Magafe ah kuwa dadka tahriibiya Subxaan Allaah waar miyaanay ceeb ku aheyn iunuu kaasi Wajaale Maamulo”Sidaa waxa yidhi Axmed Cabdirashiid Guubaabo, oo kamid ah dadweynaha Reer Tog-Wajaale.

Geesta kale waxa la sheegay in ay dhawaan trageen Wasaarada Arimaha Gudaha odoyaal beesha uu kazoo jeedo Gudoomiyaha jaahilka ah ee Tog-Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan kuwaas oo sheegay in aanay marnaba raali ka aheyn ka beel ahaan Maamulka uu Degmada Tog-Wajaale ku maamulo ninkaasi iyagoo ku Hadley Magaca Beesha Cumar Aadan ee Jibriil/Abokor.

Todobaadkii u dambeeyay ayay,aheyd kadib markii uu Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale ee Xiligan Cabdi Saleebaan oo ah Mulkiilihii Huteelka yabyabka ah ee Zaad uu albaabada u xidhay Meherad Ganacsi oo kutaala Gudaha Magaalada Tog-Wajaale arintaas oo ka yaabisay Ganacsatada iyo Shacabka ku nool Tog-Wajaale halka uu dhawaana faragalin qaawan ku sameeyay dhulka Baleyga Ilma Axmed Xuseen Kooshin oo lagu dacweeyay iyadoo aanu wax xil ah haynin haseyeeshee, markii lasoo damiintey loo magacaabay Xilka taas oo la sheegay in Dacawadii arintaasi wali Maxakmada utaalo balse, uu cagaf amar ku siiyay in nawaaxiga baleyga la baabiiyo arintan oo kamid noqotey arimo fool xumo ah oo Gudoomiyuhu ku talaabsadey iyo Waliba baastooladii uu ku qabtey Ganacsade Xasan Cabdilaahi(Xasan-Ihaadhig),iyo arimo kale oo ay kamid ahaayeen weeraradii Komishanka aflagaadooyin loo geystey Ganacsato Waaweyn iyo arimo kale oo aan lasoo koobi karin, oo aanay intooda badan wali hoos u eegin Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.
Gabiley.net
Office Gabiley