Guddi Hoosaadka Khayraadka Dibiicgi Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Kulan Ugu Yeedhay Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Iyo Ujeedada Kulanka

Hargeysa(GNN)Guddi hoosaad khayraadka dibiciiga ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan ugu yeedhay wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland mudane Cali Jaamac Faarax “Buureed”.
Waxaan kulankan ay manta gudidu ugu yeedheen wasiirku uu daranaa sidi ay uga waraysan lahaayeen habsami u socodka shaqo ee wasaarada iyo waliba inay iska waraystaan waxii u qabsoomay iyo waxa ka qabyada ah sidoo kalena waxay gudidu su’aalo ka waydiiyeen wasiirka shaqada wasaaradisa.
Waxaana kulan oo saacado qaatay kadib markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax “Buureed” waxana uu ka warbixiyay ajandaha uu daranaa kulankan uu la qaatay gudida iyo waliba waxii laysla gorfeeyey intii uu socday kulanku waxaana uu yidhi
“Waa shay dabiici ah in gudida khayraadka dibiciiga ah ee baarlamaanka ay hay’adaha iyo wasaarada dalka la shaqeeyaan, mar walbana ay halka ay marayso sida loo shaqeeyaba ay ka war helaan oo aan warbixin ka siino markaa hadba markii ay gudidu noosoo gudbiyaan dalab ah inaan nimaadno waanu u nimaadnaa, waana uga warbixinaa sida ay shaqadu u socoto iyo hadba shaqada aan gacanta ku hayno iyo halkay marayaan waayo waa golahii dadwaynaha weeye Kulanka aan manta wada yeelanayna waa isla socoshadii shaqada ee noo dabiiciga ahayd ee aan wada yeelan jirnay”Sidaas ayuu yidhi Cali Faarax Jaamac Buureed.
Dhanka kale wasiir Cali Faarax Jaamac mar wax laga waydiiyay arintii weerarkii ciidamada jabuuti kuso qaadeen ciidamada badda Somaliland ayaa waxa uu kaga jawaabay
“Arinkii maalintii dhacay waanagii dawlada jabuuti kawada hadalnay waatii arinkii la xaliyay ee khasaarihii iyo dhibaatadiina ay dawlada jabuuti qaateen ee ay ballan qaadeen ee laga soo qaaday insah alllah khayr ayay kusoo dhamaatay’Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Wasiir Cali Faarax Jaamac Buureed.

 

 

GABILEY.NET