Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Safaro Isdabajoog ah Todobaadkan ugu Baxay Wadamada Keniya, Itoobiya iyo Maraykanka

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Shalay ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, isaga oo ku sii jiida Dalka Maraykanka oo la sheegay in uu kaga qaybgalayo Shir caalami ah oo laga hadlayo arrimaha mandaqada geeska Afrika.

Inkasta oo aanu gudoomiyuhu warbaahinta ka hadal, basle Ilo xogogaal ahi waxay noo sheegen in Shirkaasi dawlada Maraykanku ku casuuntay ka dib markii uu todobaadkii hore kulan la yeeshay Masuuliyiinta ugu sareysa Safaarada Maraykanka ee Nayroobi, isla markan ay ka wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay Doorashooyinka la filayo in dalka ka qabsooman 2017-ka.

Log11