Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Gaabsaday Inuu Ka Hadlo Khilaafka Xisbiga UCID Iyo Hadal Dhawaan Kasoo Yeedhay

Hargeysa(GNN)Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay maanta warbaahintu ay wax ka weydiisay sababta uu uga hadli waayey khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID oo uu gudoomiyuhu hore uga qeyb qaatey khilaafkii xisbul xaakimka kulmiye xalintiisa ayaa waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in aanu ka hadlen khilaafkaasi .

1-41-740x416
Dhanka kalena gudoomiye Saleeban sidoo kale waxa uu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo hadal dhawaan kasoo yeedhay oo uu ku sheegay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolka awdal inay yihiin dad caydha una baahan gurmad, taasi oo ay bulshada gobolka awdal u qaadatay hadal naxli ah.

Arinkan ayaa bulshada somaliland iswaydiinaysay sababta uu gudoomiye Saleebaan uga hadli la yahay khilaafka xisbiga UCID madama uu udoomiye ka yahay golaha guurtida somaliland oo badanaa lagu yaqaanay inay xal ka keenaan arimaha khilaafka dhaliya.
GABILEY.NET
Hargaysa Office