In Laysku Xajiimeeyo Cashuur Ururintu Waa Arrin Curad Ah, Waxaase Ka Hadha Sheekooyiin Dhaxal-gala Ah”Cabdixakiim Cabdilaahi Maxamuud

Hargeysa(GNN)AMaamulaha Kastamka Madaarka Cabdixakiim Cabdillaahi Maxamuud ayaa ka war bixiyay wixii u qabsoomay muddo Toddoba Bilooda uu xilka Mas’uuliyada uu qaranka u hayo oo ay u magacawday Wasiirka Wasaarada Maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanu Si qotodheer u sharraxay waxyaabihii u qabsoomay muddada Toddoba Bilooda Isagoo faahfaahinaya. Maamulaha Kastamka Madaarka Oo warbaahinta la hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay
“Waxaanu hirgalinay dhismayaal kala duwan oo ay ugu horayso Laba Qol oo Xafiisyada Maamulka loo dhisay hoolka Alaabaha la dhigto oo aanu u samaynay laba barande maadaama ay markii hore cadceed ahayd sidoo kale waxaanu Marmar dhigay barxada xafiisyada.” Sidaa ayuu yidhi
Waxaana Isagoo hadalkiisa sii wata uu Maamule C/Xakiin sheegay in ay kor u qaadeen guud ahaan nadaafada Kastamka Madaarka. dhammaan waxqabadkan oo Maamuluhu hirgaliyay mudadii uu joogay ayaa waxa uu uga mahad celiyay Wasiiradda Maalliyada MArwo Samsam
“dhammaan waxqabadkaasi waxuu qayb ka yahay Astaamaha Waxqabad ee ku xardhan diiwaanka waxqabad ee Wasiiradda Maalliyada oo si degdaga uga soo jawaabta baahiyaha Kastamka Madaarka ee aan u gudbino”.
Maamuluha oo faahfaahin dheeraada ka bixinaya Masuuliyada uu Qaranka hayo waxuu yidhi
“Masuuliyada iyo xilka qaranka u hayno ee Cashuur ururintu waa mid culus waxaana hubaala in ay cakis isku yihiin iskana soo horjeedaan Cashuur Bixiyaha waana arrin curada oo soo jireen ah oo bulshadu kawada dharagsantahay in mararka qaarkoodna la isku qoonsado mararka qaarkoodna lagu xafiiltamo oo la isku xajiimeeyo waxaana ka hadha sheekooyin iyo kaftamo dhaxal gal noqda” ayuu yidhi Maamulaha Kastamka Madaarka Cigaal International.
 

GABILEY.NET