JAAMACADDA CAALAMIGA AH EE BEDER OO TABABAR MACALINIMO OO SOCDAY MUDDO LIX BILOOD AH SOO GABA-GABAYSAY.DAAWO+SAWIRADA

Hargaysa(GNN)Jaamacadda Caalmiga Ah Ee beder ayaa maanta Macalimiin ay u qabatay tareerin aqoon korodhsi ah oo socday muddo lix bilood ah ayaa magaalada hargaysa ugu soo gaba-gabaysay,waxaana ujeedka tareerinku daarnaa sidii loo dhisi lahaa macalinka ardayga wax u dhigaya aqoon ahaa.

IMG_0003(3).JPG
Guddoomiyaha Jaamacadda Beder ayaa tilmaamay in Macalimiinta Maanta Halkan Loogu qabtay xafladu ay tiradoodu dhan tahay 72 macalin oo wakhti badan u soo samray aqoontaas ay maanta la baray,waxaan bixinayay casharada macalimiint Aqoon sare u leh gudbinta iyo fahsiinta ardayga Casharada.

Casharada Macalimiinta lasiinayay ayaa dhamaan 8 koorso oo ay ku jirto tarbiyadu iyo
IMG_0005(4).JPG

koorsooyin anfici kara ardayga iyo Macalinka,waxaana uu cadeeyay in ay Lix bilood oo danbena ay macalimiintu ka Codsadeen in loogu daro madaama oo laga dhisi doono Culuumta Maadiga Ah.

“Runtii Maanta Aad ayaanu ugu farax sanahay inaanu halkan ku soo xidhno kuna soo gaba-gabayno tababar muddo u socday macalimiinta dalka kaas oo socday muddo lix Bilood ah,runtiina ardaydan hortiina fadhidaa waa macalimiintii lasiinayay tareerinka oo ay ku jiraan macalimiinta quraanka dhiga iyo kuwa Carabiga wax ku gudbiya,ardaydana wax runtii si kooban loo siiyay koorsooyin wanaagsan oo anfici kara casharada ay u gudbinayaa ardayda ay wax u dhigayaan.
Mubaarig Ibraahin Aar Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”waxaana ardaydan lasiiyay sideed koorso,waxaana siinayay macalimiin ku xeel dheer aqoontaas tarbiyadda Oo Sita shahaadada (PHD)badidoodu ayaa runtii wax u dhigayay ardaydan,Koorsadan waxa lagu bilaabay macalimiin dhan 120 waxaana qofba kaga hadhay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen casharadu,waxaana u soo samray wakhti badana siiyay 72 arday oo manta halkan aynu ku siinayno shahaadada macalinimada.

IMG_0013(6).JPG
Geesta kale Mubaarig Ibraahin Aar Ayaa tilmaamay in ay ku kordhinayaa lix bilood oo danbe oo macalimiinta loogu tababarayo si ay aqoon ugu yeeshaan Casharada Ay u gudbinayaan ardayda ay wax u dhigayaan,waxaana uu tilmaamay ka jaamacad beder ahaan in ay xil wayn iska saarayaan sidii macalimiinta aqoontooda loo dhisilahaa iyaguna u soo saari lahayeen arday dhisan diiniyan iyo Maadiba.

“ujeedka aanu uga dan leenahay inaanu tareerinada u joogtayno macalimiinta lix bilood oo danbena ugu darnay waxa ay tahay si aanu uga dhisno luuqadaha macalimiinta si ay ka dibna u sii bilabaan Digriiga Koobaad ee Tarbiyada,Runtii Jaacamaddaha ardayda ugu badana ee ka soo baxdaa waa macalimiin,waxaana aad arkaysaa inaanay badiddou lahayn khibrad dhinac wax dhigista ah,Macalinimadu waa Takhasus.

IMG_0039(4).JPG
Waxa uu tilmaamay guddoomiyahu hadaan macalinku soo dhiganin sida ardayga loola dhaqmayo waxna loogu gudbiyo inuu ku fashilmayo sidii uu uga haqab tirilahaa aqoonta korna ardayga ugu qaadin lahaa,waxaana uu ka Markhaati kacay in ay soo badanayso macalimiinta aan qabani tareerinada.

“Runtii Maanta Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder waxa ay u taagan tahay sidii ay dalkan ugu soo saari lahayd arday iyo macalimiin Aqoon leh,waxaana odhan lahaa tareerinka aqoontu kama soo hadho,waxaana soo jeedin lahaa in aynu dhexda u wada xidhano sidii loo soo saarilahaa arday anfacda,maanta waxaanu tayaynaynaa Macalimiintii Soo saari lahaa ardayga tayaysan.
Sheekh Jaamac Faarax oo ah Xubin ka Mid Ah boodhka Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay bulshada u leedahay sidii arday fiican oo aqoon ahaan iyo diin ahaanba dhisan loogu soo saari lahaa in latayeeyo macalinka soo saaraya,waxaana uu badka soo dhigay in ay muhiim tahay in macalinku markasta aqoon u leeyahay waxa uu gudbinayo,isaga oo jaamacadda bederna ku sheegay in ay u taagan tahay sidii ay bulshada uga kaafiyi lahayd baahiyaha ay qabaan

IMG_0042.JPG.

Sheekh Maxamed Ibraahin Isuduwaha wasaarada Diinta iyo aw qaafta Somaliland oo isaguna halkaas kalmado kooban oo uu ugu hambalyaynayo macalimiinta soo dhiganayay aqoon korodhsiga muddo lix bilood ku siman ah ayaa waxa uu ku sheegay in ay u dhabar adaygeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen yoolkood ah in ay soo saran arday tayo leh oo anfacda bulshadooda.

Sheekh Cabdul Khabiir Maxamed iyo Nisaar Fawsi oo Labaddouba Macalimiintan siinayay Tareerinka socday mudada lixda bilood ah ayaa u mahad naqay siday ugu soo dhabar adaygeen,waxaana ay tilmaameen in aanay aqoontu halkaasi ku dhamaan ee loo baahan yahay in ay sii korodhsadaan madaama oo qofkasta inta uu korodhsad uu yaqaano,waxaana ay ku dardareen in ay dadaal u muujiyaan ardayda ay aqoonta u gudbinayaan.

Gaba-Gabadii Waxa kulankani Soo Afmeeray Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa jaamacadda beder uga mahad celiyay sidii ay xilka iskaga saartay in ay so saarto Macalimiin tayo leh dalka iyo bulshadaba anfacda.

“macalinku waa ka kaliya ee bulshada haga,macalin hadaanu jirina aqooni may jirteen,jaamacadda beder waxa gudatay waajib wayn,waxaana ay tareerin siisay Macaliminta soo saaraya aqoon yahanka dalka,maanta waxaan odhan karaa waa maalin qiimo leh oo aynu joogno xaflad qaali ah oo ka duwan kuwii hore,macalimiinta Midbaa Odhan lahaa aqoontiina kordhiya qofwaliba waxa uu yaqaan ayuu gudbiyaa,dalkiina sidaad uga saari lahaydeen jahliga ayaa loo baahan yahay.

IMG_0013(6).JPG

Guddoomiyaha Jaamcadda Beder iyo Wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa macalimiintii Hablaha ahaa iyo inamadii Guddoon siisayay Shahaadadii ay Kasbadeen ee ay lixda bilood wakhtiga iyo dadaalka dheer u galiyeen,waxaana jaamacadda beder Jaamacaddaha dalka kaga duwan tahay waxa ay bulshadu tabayso ayay markasta awooda saartaa.

 

 

Gabiley.net

Gabiley office