Khilaafka Maamulka Wajaale iyo Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deeganka Gabiley oo Sii Xoogaysanaya.

Gabiley (GNN):- Gudoomiyaha Dagmada Tog Wajaale iyo Xildhibaan iid Xasan oo ka mid ah Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay khilaaf ba,ani soo kala dhex galay iyagoo jawaabaha kala duwan ee ay ka bixinayaan muranka dhexdooda yaala u adeegsaday warbaahinta madaxa banaan ee dalka, iskuna waydaarsanayay weedho isku lid ah gaadhayna inay abuurto muran xoogan oo dhaliyay inay gacmaha iskula tagaan Ku dhawaatay.

Waxaa iyana aad loo hadal hayaa In Qaar ka mid ahMasuuliyinta Xisbiga Kulmiye ku leeyahay Dagmada Tog Wajaale is casilayaan maalmaha soo socda sababo la xidhiidha khilaaf ba,an oo soo kala dhex galay Gudoomiyaha Dagmada Tog Wajaale Cabdi Saleebaan (Cabdi Budle) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dagmada Wajaale Mustafe Sh Abibakar islamarkana Meesha Ay Ka Baxday wada-shaqayntii maamulka xisbiga Kulmiye ee Damada Wajaale iyo Mamulka Dagmada Tog-Wajaal .
Khilaafkani oo mudooyinkan ugu Danbeeyay ka dhex aloosnaa Masuuliyiinta Xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale Mustafe Sh Abibokor  iyo Gudoomiyaha Wajaale Cabi Saleebaan ayaa marba marka ka sii danbaysay sii xoogaysanaya, iyada oo ay Gaadhay heer ay ku sigteen in albaabada loo xidho Xafiiskaa Degmada Wajaale ee Xisbiga Kulmiye

 

 

Gabiley.Net

Wajaale Office