La Taliyahii Madaxweynaha Arihama Siyaasada Dr.Cumar Cilmi Dixood oo Saaka Geeriyooday.

Dr.Cumar Cilmi Dixood waxa uu saaka ku geeriyooday gurigiisa oo kuyaala magalaada Hargaysa kadib xanuun kadis ah oo xalay kusoo booday.
Dr.Dixood waxa uu ka mid ahaa dhawrkii qof ee ugu horeeyay ee aasaasay urururkii xaq udirirka SNM .
Dr.Dixood waxa uu imka ahaa la taliyaha madaxweynaha ee siyaasada Arimaha dibada sidoo kalana waxa uu kamid ahaa Xisbiga Kulmiye.
Dr.Dixoood oo ahaa nin araga naafo ka ah waxa lagu xasuusan doonaa doodihiisii adkaa iyo hadaladii aan gabashada lahayn ee uu ka dhiiban jiray xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan siyaaasada Somaliland.

Gabileynews Network.