Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Udirey Qoysaskii Dadkii Ku Geeriyooday Daadadkii Dilla

Berbera(GNN)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyasaskii iyo eheladii shan qof oo ku geeriyooday daadad kasoo fatahey roobabkii ka da,ay Deegaanka Degmada Dilla ee katirsan Gobolka Awdal,oo maanta lagu aasayo isla Deegaanka Dilla.

saylici(1)

Kadib markii uu Madaxweyne ,Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici kasoo laabtey aaskii Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo uu kaga qeyb galey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, oo aas qaran lagu sagootiyay Maruumka okaas oo uu hurmood ka ahaa Saylici waxa kale oo uu isagoo hada ku sugan Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil dhambaal tacsi ah wadajir ugu direy guud ahaanba dadkii ku geeriyooday daadakii kusoo fatahey Magaalada Dilla isagoo, illaahay uga baryey in uu naxariistii jano ka waraabiyo,
Sidoo kalena waxa illaahay Caafimaad sareecan ah uga baryey intii dhibaato iyo dhaawac kasoo gaadhay, waxaanu ku boriyay Bulshada Deegaanka in ay illaahay ka baryayaan kuna duceystaan in nimcada nusqaanteeda garab mariyo,roobkana ku duceystaan in uu nimcadiisa illaahay ugu wado.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa kale oo uu ducadiisa kadib ku dardaarey shacabka Somaliland in ay ku ducaystaan in illaahay u fududeeyo nimcada nusqaanteeda, Waxaanu caawa ku negaan doonaa Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Gabiley.Net