Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madax kale Oo Ka Qeyb Galey Aaska Marxuum Sheekh Xasan Gudaal Oo Ka Tirsanaa Golaha Guurtida SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, xubno ka tirsan  Wasiirada Xukuumadda, Xildhibaanada labada gole iyo dadweyne tiro badan ayaa ka qayb galay aas-qaran oo maanta magaalada Hargaysa loogu sameeyay alle hawnaxariiste Marxuum Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo kamid ahaa Xildhibaanadii Guurtida ee doorka weyn ka soo qaadatay nabadayntii dalka.

1 2 3 5

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, isagoo ku suntanaa, miisaan weyna ku dhexlahaa bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa, odayaashii, waxgaradkii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta, waxaanu hawl-fuliye ka ahaa dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland kuwada nool, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama illaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, waxaanu ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta islaamka, dadkna ugu adeega samaha iyo wada jirka.

4 6 7 8 9 10 11 3

Madaxdii ka soo qayb gashay aaska marxuumka ayaa siweyn uga hadlay si fooyinkii uu caanka ku ahaa iyo samo talis nimadiisi. Alle haw naxariisto Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal

Log1