Masuuliyiinta Xisbiyada WADANI Iyo KULMIYE Oo Tacsi U Diray Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay DR Cabdi Aw Daahir Oo Magaalada Burco Saaka Ku Geeriyooday

Hargeysa(GNN)Masuuliyiinta xisbiyada WADANI iyo KULMIYE ayaa tacsi u diray eheladii qarabaadi asxaabtii iyo waliba shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuun Ex Wasiir Dr Cabdi AwDaahir oo saaka ku geeriyooday magaalada burco.
Waxaana labada warsaxaafadeed ee tacsida ee ay soo kala direen xisbiyada WADANI iyo KULMIYE ay u dhignaayeen Sida tan.
Ujeedo Tacsi Xisbiga WADANI

22-90x90
Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, kan Hoggaanka, guddiga fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada Burco.
Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay Halgankii dib-u-xoreynta qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi Raajiuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Ujeeddo: Tacsi Xisbiga KULMIYE
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta 06/04/2016).
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa.
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

GABILEY.NET