“Maxamuud Xaashi Cabdi Astaan Qurux Badan Oo Qarankeenu LeeyahaY”Fallo Abokor Axmed Cigaal.

Hargeisa(GNN):- Hilaadii Lixsano iyo dheeraad ayaa laga jooga markii xilka ugu sareeya qaranka iyo hogaamintiisaba loo cumaamaday Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxwaynaha haatan ee JSL ,Madaxwayne Siilaanyo Markii uu Xafiiska la wareegay isgoo dareensanaa masuuliyada culus ee qoorta loo sudhay waxa uu xushay koox halyeeyo u badnaa oo uu u arkayay inay la dhaqaajin karaan tareenkii tabaalaysnaa ee uu u yimi haybadii dawladnimona soo celin karan, cahdigaasi oo hadaan Madaxwayne Axmed Silaanyo deebaanka u qabanin lahayn hogaanka dalkani aanay sii jiri lahayn hogaan iyo hayb dawladeed toona .

Kooxdii u horaysay ama Teamkii uu u xushay Madaxwayne Silaanyo dhaqaajinta hawshaasi baaxadeeda leh waxa uu ku sar gooyay Aqoontooda ,daacadnimadooda ,kartidooda ,iyo sooyaalkooda taariikheed waxaana kooxdaasi calanka u siday Muj:Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka haatan ee Madaxtoyada Jamhuuriyada Somaliland oo uu u Magacaabay wakhtigaasi Wasiirka Wasarad Duulista & Hawada ee qarankeena Somaliland.

Muj:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay khusayso qormadeenan koobani waxan sariigan doonaa Aragtidayda ku aadan waxqabadka muuqda ee uu muujiyay wasiirku mudooyinkii uu iskaga dab qaaday wasaaradaha Duulista & tan Madaxtoyada oo uu haatan joogo ,waana shumaca shida ee u baxa xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ,waa geesi guulo kasoo hoyay goobaha lamari waayo ,dabcan waa hogaamiye suuban oo saxan soona celin kara sawracii iyo sinaanta bulsho samo jeceli lahayd .

Ka gayoon mayno taariikhada guunka ah ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi balse waxa aynu isyar dul taagaynaa halkuu kasoo bilaabmay sooyaalkiisii taariikheed .

1964 ayuu Magalada Caynaba ee gobolka Saraar uu ku dhasahay waxaanu dugsiyada hoose /dhexe iyo sare ba uu kaga baxay Magaalada burco ,waxa uu soo noqday maayirka Magaloyinka dhoqoshay iyo Burco ,sido kalana waxa uu kamid noqday Xildhibanada golaha Wakiilada Somaliland,waxa uu ahaa maskaxihii ka danbeeyay yagleelida Xisbiga balaadhan ee KULMIYE waxaanu soo noqday wasiirka Duulista Somliland haatana waa wasiirka Wasaarada Madaxtoyada JSL,waa siyaasi kasbaday maanka Bulshada somaliland waana shakhsiga haatan loogu hadalhaynta badanyahay Saddexda waaxood ee dawlada ,Beelaha somaliland gaar ahaana beelaha uu kasoo jeedo ee Togdheer iyo Sanaag ayaa si buuxda u taageersan kuna niyad san inuu noqdo siyaasiga haga Somaliland siilaanyo dabadii .

Siyaasigan ayaa kamida foolaadka da’yarta guulaysatay dabcana waa siyaasi guulaystay oo gaamuray gu’iyo jiilaalna u dhaamin kara bulshadiisa .

Waxba ku noqon maayo guulihii uu kasoo hoyay iyo horumarkii uu ku talaabsaday intii uu joogay Wasaarada Duulista iyo Hawada haatan Waxa uu joogaa wasaarada Madaxtoyada dabcan waa Wasaarad Hawl badan oo muraayad u ah 3millon ee qof ee reer Somaliland waa meel ay ku kulmaan bulsho kala aragti duwan,kala siyaasad duwan ,oo kala mabd’a duwan.
Qofkasta maanta waa uu dareemaaya isbedelka ka muuqda madaxtooyada, sida loo adkeeyey ammaanka, iyada oo la joojiyey dadkii iska soo geli jirey waxaa lagu rakibay CCTV-camera, waxaa la nidaamiyey oo la tayeeyey ciidamada ilaalada madaxtooyada, sidoo kalena waxaa nidaam dowladnimo loo sameeyey masuuliyiinta qaranka, kuwaasoo ku soo gala dhammaantood ballan.
Wasiirka Maxamuud Xaashi wuxuu sameeyey nidaam isku xidhaya laamaha dowlada kala duwan iyo madaxtooyada, isaga oo markasta qabta shirar is daba joog ah oo lagu hagaajinayo maamulka dowlada oo uu guddoomiyo madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo,

waxa uu xafiiska soo galaa shaqada 7:30Am waxaana uu ka rawaxaa 2:30pm ama 3:00pm xiliyada qaar, waxaanu maanka ku hayaa inuu 10 saacadood iyo inkabadanba inoo shaqeeyo si uu dunida inoola tiigsado .

Gabogabo:-
Waxan ku soo gabo gabayn lahaa Fashilka Madaxda qaranku waa Fashilka qaranka Guuldaradooduna waa guuldarada qaranka Masuuliyadaa Culus ee ay hayaan in loogu duceeyo mooyee tuurtuur kale uma baahna ………..

Abokor Axmed Cigaal
Hargaysa /Somaliland.