MAYARKA GABILEY M/AMIIN CUMAR OO SHACBIGA SOMALILAND KA TACSIYADEEYAY GEERIDA DR CABDI AW DAAHIR

Gabiley(GNN) Mayarka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi , isagoo ku hadlaaya Magaciisa iyo Magaca Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyay Geeridda Naxdinta Badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku Geeriyoodday Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Mayar M/Amiin waxa uu ku siffeeyay Marxuumka inuu Ahaa Shaqsi taariikh dheer ku leh dalkiisa iyo shacabkiisaba, waxaannu Qoyskiisii, qaraabadiisii, Asxaabtiisii uu mar kale ka tacsiyaddeeyay geeridda Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, waxaannu IIIaahay uga baryay innuu Naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskiisii, ehelkiisii iyo shacabka somaliland samair iyo iimaan saadiq ah ka Siiyo.

AAMIIN             AAMIIN              AAMIIN

INAA LILAAHI WAA INA ILEEYHI RAAJICUUN