Munaasibad Lagu Soo Dhawaynayay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADANI Oo Lagu Qabtay Magaalada London + SAWIRO.

Waxaan munaasibad oo ahayd mid si heersare ah losoo agaasimay kazoo qayb galay masuuliyiinta kala duwan ee laamaha  xisbiga WADANI ee dalka UK, guduumiyaha wadani ee UK Xusen Aadan Cade iyo guduumiyaha qaarada yurub ee Wadani Axmed Naahii, dhalinaro haween, taageerayaasha xisbiga WADANI ee magalada London iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxaana munaasibadan ay ahayd mid ls waraysi ah  layskaga waraystay halka ay marayaan hawlihii diwangalinta codbixiyayaasha,sidii loogu sii diyaar garoobi lahaa doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhacaya iyo waliba sidii gurmad loo gaadhsiin lahaa dadka abaaraha baahsani ku saameeyeen gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaana soo dhawayn iyo iswaraysi dheer  kadib halkaasi khudbado dhinacyo badan taabaysa kazoo jeediyay masuuliyiintii iyo dadwaynihii kazoo qayb galay munaasibadani iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihin inay waftigani soo gaadhaan magaalada London ayna si niyad ah usoo dhawaynyaan waftiga.

Dhanka kalena xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI mudane Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay farxad gaara u tahay inuu soo gaadho magaalada London, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyay dhamaan cid kaste oo kazoo qayb gashay xafladan kana qayb qaadatay soo dhawaynta loo sameeyey, isaga oo dhanka kalena ka warbixiyay xaalada guud ee dalka uguna baaqay inay kawada qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka walaalaheena ee ay abaarta baahsani ku saamaysay gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Ugu danbayntii waxa la filayaa inay waftigani intay joogaan magaalada London ay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta xisbiga WADANI ee dalka UK  iyo waliba taageerayaasha xisbiga.

2 46 7 8 9101112fqs 

 

Log11