Qorax Xoogan Oo Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho(GNN)Wararka naga soo gaadhay magaalada muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xoogan oo loo adeegsaday in waxyaalah qarxa laga soo buuxiyo gaadhi uu ka dhacay afaafka hore Makhaayad lagu magacaabo Rajo oo kutaala Xaafada Maana Boolyo ee Degmada Shibis.
Qaraxa ayaa ahaa gaadhi waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafaka hore ee Makhaayada Rajo oo la sheegay in ay ka cunteenayeen Ciidamo iyo waliba dad shacab ah.
Weerarkan Qaraxa ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan saddex ruux waxaana ku dhawacmay ugu yaraan shan ruux oo kale.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi,dhinaca dawladdana cid ka hadashey ma jirto.
Sidoo kalena ma jiraan wax warara oo rasmi ah oo kazoo baxaya khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Gabiley.Net