Raxmaadka Roobabka Eebe Oo Galabta Ka Curtay Deegaanada Hargeisa, Gabiley iyo Baligubadle.

Hargeisa(GNN):-Roob lagu qabawsaday ayaa abaara shantii galabnimo saacada geesja afrikuna tilmaamaysay 4.30 ka da’ay Magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeeda Roobkan oo aan dhibicisu aad u badnayn ayaa inta badan caasimada Somaliland ee Hargeysa qaboojiyay, waxaana jidadka magaaladda taagan biyo fadhiisin aan badnayn. Magaalooyinka Baligubadle iyo Gabiley oo wax yar u jira Hargeysa ayaa iyagana warfidiyeenaduna kusoo waramayaa in rooban tahay .

Si la mid ah waxa iyadana roob lagu diirsaday laga soo sheegayaa Gobolada gableedka Somaliland halkaas oo ka mid ahayd goobaha sida aadka utabatey abaarta sadex jirsatey Raxmaadka rabbi ee horaantiisii ay hada hoortay ayaa ku soo beegmaya wakhti ay abaaro laxaad lihi ku jiifsadeen deegaamo ku yaala Somaliland, kuwaas oo sababay dhimashada dad iyo duunyo.

Sidoo kale dadweynaha ay ku jiifsatay abaartaasi ayaa waxa ka baxay xoolo wixii ay la haayeen kuwaa soo uu jiilaalka dabada dheeraaday sii haraatiyay.

Hargeisa SOmaliland
Gabiley News Network
Axmed ALmis