Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Soo Gaadhay Rayo Vallecano, Bale Oo Laba Gool Los Blancos Culayska Kaga Dul Qaaday, Benzema Oo Dhaawacmay & Kooxda Zidane Oo Hogaanka La Ligaha Si KMG Ah U Qabtay.

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah kooxda Rayo Vallecano garoonkeeda kaga soo gaadhay waxaana Los Blancos guushan u horseeday Gareth Bale oo laba gool dhaliyay iyo Lucas Vaguaz waxayna Madrid guushan ku soo gaadhay 3:2 iyada oo hogaanka La Ligaha si ku meel gaadh ah u qabtay. Real Madrid ayaa ka war sugi doonta kulamada Atletico Madrid iyo Barcelona ay cayaari doonaan.1461416209_339287_1461421747_album_grandeReal Madrid ayaa marti u ahayd kooxda Rayo Vallecano, waxaana Real Madrid kulankan ka maqnaa Cristiano Ronaldo oo daqiiqadihii ugu horeeyay xili ciyaareedkan seegay ee kulamada La Ligaha, laakiin Zidane ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay Jese Rodriguez, waxaana sidoo kale shaxda Madrid ku soo wada bilawday Kovacic iyo Isco.

1461416209_339287_1461421748_album_grande

Dhinaca kale Gareth Bale ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Los Blancos kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ku seegay kulankii Villarreal.Sergio Ramos ayaa kaydka lagu nasiyay waxaana difaaca dhexe ku wada bilawday Pepe iyo Varane. Waxaana sidoo kale la nasiyay Modric iyada oo uu Zidane ka fikirayay kulanka talaadada ee Champions Leaque-ga.1461416209_339287_1461422396_album_grandeReal Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay sii wadato dagaalka loogu jiro koobka La Ligaha waxayna maanka ku haysay in waxaan guul ahayn oo ay ka soo gaadho kooxda Rayo Vallecano ay god dheer ku sii ridi karto rayadeeda koobka La ligaha.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

RAYO VALLECANO (4-2-3-1): Carlos; Quini, Amaya, Crespo, Tito; Jozabed, Trashorras; Embarda, Hernandez, Bebe; Fedor.

KAYDKA: Dorado, Iturra, Goncalves, Rat, Guerra, Yoel, Caballero.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Danilo, Pepe, Varane, Marcelo; Isco, Kroos, Kovacic; Bale, Benzema, Jese.

KAYDKA:Casilla, Ramos, Nacho, James, Arbeloa, Vazquez, Modric.

1461416209_339287_1461423697_album_grande

Real Madrid ayaa dardar fiican ciyaarta ku bilaabatay waxayna markiiba bilawday in ay weerar ku qaado goolka Rahyo Vallecano waxayna daqiiqadii 3 aad u muuqatay in ay heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Gareth Bale birta u garaacay Rayo Vallecano.Laakiin Rayo Vallecano ayaa la soo baxday qaab ciyaareed cajiib ah waxayna markiiba abuurtay fursado halis ah.

DAQIIQADII 7 aad kooxda martida loo ahaa ee Rayo Vallecano ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay Los Blancos kaga naxsatay waxaana goolkan udhaliyay Adrián Embarba Blázquez kaas oo ka faa’iideeyay kubbad uu ka helay Tiago Manuel Dias, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Rayo Vallecano hogaanka kula wareegtay.Embarba marca el 1-0.Embarba marca el 1-0.

1461416209_339287_1461423698_album_grande

DAQIIQADII 14 aad Rayo Vallecano ayaa markale ka yaabsatay Real Madrid waxayna la timid goolkeeda labaad waxaana markan goolka labaad udhaliyay Nicolás Ladislao Fedor Flores, wuxuna goolkani ku yimid kubbad koorne lagu soo tuuray oo uu Varane si liidata iskaga saaray, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Rayo Vallecano hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Miku, autor del 2-0. Miku, autor del 2-0.

Wali Rayo Vallecano ayaa sii ahayd kooxda laga filan karay goolka saddexaad waxayna markale Rayo heshay fursad cajiib ah iyada oo daqiiqadii 26 aad uu Bebe kubbad gantaal ah uu ku tuuray goolka Real Madrid laakiin goolhaye Navas ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah isaga oo dirqi kubbda isaga soo celiyay.Keylor Navas salva una oportunidad de Embarba.Adrián Embarba celebra el primer gol con su compañero Jozabed Sánchez.

1461416209_339287_1461423698_album_grande

Intaa kadib Real Madrid ayaa si xoogan ciyaarta dib ugu soo laabtay waxayna baadi goob ugu jirtay sidii ay iskaga soo celin lahayd labada gool ee looga hormaray, waxayna Los Blancos ay abuurtay fursado fiican balse inta hore difaaca Rayo ayaa adkaysi muujiyay.Pepe y Toni Kroos tras encajar el primer gol del Rayo Vallecano.

DAQIIQADII 34 aad Real Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda furitaanka ee ay ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana gool madax ah udhaliyay Gareth Bale kaas oo goolkan ku dhalyay kubbad uu Toni Kroos uu koore ka soo tuuray wuxuuna Bale ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Rayo Vallecano hogaanka ciyaarta ku hayso.Bale marca el 2-1.Bale marca el 2-1.

Real Madrid ayaa sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican waxayna markan noqotay kooxda goolka labaad laga filan karo waxaana fursado cajiib ah helay Kovacic iyo Bale laakiin fursadahan ayaan noqon kuwo natiijada ciyaarta wax ka badalay. Daqiiqadii 42 aad Real Madrid ayay dhibaato soo gaadhay kadib markii Karim Benzema awoodi waayay in uu dhamaysto daqiiqadaha yar ee qaybta hore ee ciyaarta ka hadhsanaa waxaana lagu soo badalay Lucas Vázquez.Karim Benzema.

Real Madrid ayaa dadaal wayn ugu jirtay in ay goolka barbaraha la timaado inta qayna qaybta hore dhamaan laakiin kooxda Rayo ayaa awooday in ay iska ilaaliso weerarka badnaa ee Real Madrid waxayna qaybta hore ku dhamaatay 2:1 ay Rayo Vallecano hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo ku socota dardar xoogan isla markaana raadinaysa in ay marka hore la timaado goolka barbaraha isla markaana ay raadiso sidii ay guul soo laabasho ah ku gaadhi lahayd.

DAQIIQADII 52 aad Real Madrid ayaa heshay goolkeeda barbaraha waxaana gool madax ah oo aad u qurux badan Madrid ciyaarta dib ugu soo celiyay da’yarka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Lucas Vázquez kaas kubbad karoos aad u fiican ah ka helay Danilo Luiz da Silva waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

Real Madrid ayaa halkeeda ka sii watay qaab ciyaareedka fiican ee ay garoonka kula soo laabtay waxayna markale abuuraysay fursado fiican oo goolal lagu dhalin karayay.DAQIIQADII 58 aad Real Madrid ayaa filatay goolkeeda saddexaad kadib markii uu Jese kubbada kula soo baxay goolka Rayo laakiin goolhaye JUAN CARLOS ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah. wax yar kadib Vazguez ayaa goolka saddexaad Madrid u keenay gaadhay iyada oo Bale uu kubbad halis ahayd soo hormariyay goolka Rayo.

1461416209_339287_1461422396_album_grande

DAQIIQADII 81 aad ayay Real Madrid dhinaca kale udhigtay natiijadii labada gool looga hormaray waxaana goolka saddexaad ee muhiimada wayn u lahaa Real Madrid u saxiixay Gareth Bale kaas oo masuuliyada weerarka Madrid garbaha u ridya isla markaana si fiican uga soo baxay, wuxuuna ka faa’iidaystay kubbad ay Rayo iska lumisay waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay Los Blancos markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:2 ay Real Madrid ku gaadhay guul muhiim ah oo si cajiib ah ugu soo laabtay waxayna Los Blancos ay si ku meel gaadh ah u qabatay hogaanka La Ligaha ka hor kulamada Atletico Madrid iyo Barcelona ay caawa ciyaari doonaan.