Shirkadda Saliida keenta ee Aflax Company oo tababar u qabatay Macaamiisheeda Saliida ka iibsata+Sawiro

Hargeysa GNN) Munaasibadan balaadhan oo ay wada-jir u qabteen Shirkadda soo dajisa Saliida Baabuurta ee Aflax Company iyo Shirkada ENOC oo ay wada shaqeeyaan ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Hotel Damal ee Caasimada Hargeysa. Munaasibadan ayaa ujeedadeedu ahayd tababar la sanad leh tobabar kaas oo la siinayay Macaamiisha shirkada ee isticmaala Saliida ENOC . Waxana Munaasibadan ka soo qayb galay Agaasimaha rugta ganacsiga S/land Maxamed Shurgri, Maamulka sare ee Shirkadda Aflax Company oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Shirkadaasi Xaamud Jaamac Maxamed, Saraakiil sar sare oo ka socotay Shirkadda ENOC oo fadhigeedu yahay Dalka Imaaraadka Carabta, qaar ka mid ah Macaamiisha Ganacsatada ah ee iyagu isticmaala Saliida ay shirkadaasi soo dajisa.

enociic

Ugu horayn Guddoomiyaha Shirkadaasi Xaamud Jaamac Maxamed ayaa si wayn ugu mahadnaqay Masuuliyiinta ka socotay Shirkada ENOC socdaal dheer u soo maray inay kulankan ka qayb galaan. Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxu sharaxaad ka bixiyey ujeedada ay kulankaasi u qabteen, waxaanu yidhi “ kulankeenani waa kii seddexaad ee Sannadlaha lahaa, waanu inoo socon doonaa haddii Alle yidhaa. Waxa jiray tababaro hore oo shirkada innock ina siisay iyadoo waqtigu adag yahay oo baasaaboorku adag yahay hadana ay ina siisay oo qaarkood imika inala fadhiyaan.”

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

GABILEY.NET

HARGAYSA OFFICE