SHIRKADDA TELESOM OO CASUUMAD SAGOOTIN AH U SAMAYSAY WEFTIGII SOMALILAND SOO GAADHSIIYEY TAAKULAYNTA ABAARAHA EE KA YIMID SOOMAALIYA.

Hargeysa – (GNN) – Masuuliyiinta sarsare ee shirkadda Telesom ayaa maanta casuumad saguutin ah u sameeyey weftigii ka yimid koonfurta Soomaaliya ee dalka soo gaadhsiiyey deeqdii halka milyan ee dollar ahayd ee ay ugu deeqday xukuumadda Soomaaliya taakulaynta gurmadda Abaaraha ee dalka ka dhacay.

12939229_915224255270543_433970444_n
Casuumaddan oo ka dhacay huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiinta sarsare ee shirkadda Telesom, xubno Golaha wasiiradda xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdi Axmed, Wasiirka horumarinta deegaan Shukri Xaaji Baandare, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

12939561_915224241937211_417455618_n

Shukri Xariir, Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyadda Aamina Muxumed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyadda Khadra Xaaji Gaydh, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, Xubnaha guddida Gurmadka abaaraha Qaranka iyo weftigii ka socday koonfurta Soomaaliya ee uu hor kacaayey Sheekh Nuur Baaruud.
Munaasibada casuumaddan waxaa ka hadlay gudoomiyaha guud ee Telesom Group Cabdikariim Maxamed Iid, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdi Axmed, Sh. Nuur Baaruud, Sh. Xasan Cabdisalaan, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, Xaaji Aadan Baradho, Malaaq Cabdiwahaab, Ugaas Nageeye iyo masuuliyiin kale.

12939723_915224331937202_1613781468_n

Furintaankii munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha horumarinta arimaha bulshadda ee shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax waxaanu sheegay ujeedda kulankan waxaanu yidhi, “Waxaa maanta sharaf inoo ah inaanu iskugu nimaadno xafladdatan oo ah mahadnaq loogu talo-galay weftigii inooga yimid muqdisho ee inagu soo caawiyey abaarihii aadka u kululaa”.

12969243_915224295270539_1739333838_n
Gudoomiye ku-xigeenka Guddida Gurmadka Abaaraha Qaranka Sheekh Xasan Cabdisaalaan oo ku hadlaayey afka guddida abaaraha ayaa ugu horayn u mahadnaqay weftiga reer Muqdisho ee Somaliland soo gaadhsiiyey deeqda taakulaynta abaaraha, Sheekhu waxa uu sidoo kale shirkadda Telesom ku amaanay kaalinta ay ka qaadatay taakulaynta abaaraha iyo sidoo kale sida isgaadhsiinta TELESOM iyo adeegga ZAAD uu wax weyn ugu taray bulshadda.

12980465_915224298603872_950731812_n

Sheekh Xasan Cabdisalaan ayaa yidhi, “Waxaan TELESOM runtii aad ugu amaanayaa munaasibadan qaaliga ah oo aan isleeyahay qaadhaankay bixiyeen way ka qiimo badan tahay xagga Isgaadhsiinta oo geed wal iyo gidaar walba oo aad istaagtaba markaad sidaa telefoonkaaga u eegto Ateenka TELESOM baad helaysaa, markaasa xataa haddii jeebku kaa madho zaadkaaga ayaa koobka shaaha ku cabaysaa, adeeggaa malaha adeeg ahaan uunbay u dareemeenee wax weyn buu abaaraha ka taray”.

12939723_915224331937202_1613781468_n
Munaasibaada casuumadda waxaa isna ka hadlay Ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Aadan Baradho oo ka mid ahaa ka soo qayb-galayaashii waxaanu mahadnaq u soo jeediyey weftigii Muqdisho ka yimid iyo shirkadda Telesom isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaan u mahadnaqayaa shirkadda TELESOM ee Munaasibadan qaaliga ah inoo qabatay ee hadhimo sharafeedkan inagu martiqaaday ee inaga xil qaaday xil weyn oo inawadda saarnaa iyagaa inaga kafaalo qaaday aad baan ugu mahadnaqayaa. Mahadnaqa weyna waxaa leh walaalaheena inooga yimid Muqdisho ee inoo soo gurmaday ee ka damqaday dhibaataddii dadkeena haysatay”

12935358_915224195270549_915736161_n

Waxaa isaguna munaasibadan ka hadlay Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen iyo Malaaq Cabdiwahaab waxanay shirkadda Telesom uga mahadnaqeen casuumadan ay u fidisay weftiga Muqdisho ka yimid, waxay sidoo kale ka warameen xaalada abaaraha ee dalka ka jirtay, sida ay dadka Soomaalida ahi xaq iskugu leeyihiin in xaaladaha caynkan oo kale siday isaga taageeraan.
Sheekh Nuur Baaruud iyo Ugaas Nageeye oo ka mid ahaa Weftigii Soomaaliya ka yimid ee soo gaadhsiiyey deeqda taakulaynta ah ee dawladda federaalka Soomaaliya ugu deeqday shacbiga Somaliland ayaa waxay sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u jeediyeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen tan iyo markii ay dalka yimaad maalinimadii Sabtida, waxaanay sheegeen inay bulshadda ay ka yimaadeen ku dhiiri galin doonaan inay Hargeysa yimaadaan oo ay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo nabad-galyadda ka jirta Somaliland.
Gudoomiyaha Guud ee TELESOM GROUP Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlay casuumaddan ayaa ugu horayn si kal iyo laabta ah waxa uu ugu mahadnaqay weftiga ka yimid Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan aad idiinka mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee aad ugu soo gurmateen walaalihiin, Jasaakumulaahu Khayran baan idin leenahay”.

 

12980465_915224298603872_950731812_n
Ugu dambayn waxaa xafladaasi soo afmeeray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdi Axmed oo mahadnaq iyo duco ku soo gunaanaday xafladaasi, waxaanu mahadnaq ka dib uu bulshadda abaaruhu aafeeyeen Ilaahay uga baryahan in Ilaahay ka kor qaado abaarta, dadka gacanta ka gaystayna uu Ilaahay ka abaaliyo.
Gabiley.Net
Gabiley Office