Gudoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Khasaare Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Gobolada Galbeedka Iyo Khilaafka Xisbiga Ucid

Haregysa(GNN):-Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay khasaare naf iyo maal iskugu jira oo ka dhashay roobab laxaad leh oo ka da’ay gobolada galbeedka Somaliland.

Gudoomiye saleebaan oo maanta ka hadlayey warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay khilaafka ka taagan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Ugu horayn gudoomiye Saleebaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay roobabka ka da’ay gobolada galbeedka ayaa waxa uu yidhi “Roobkii Waa kanoo wuu bilaabmay oo Alle Subxaana Watacaala waan ugu mahad-naqaynaa Nimca walba nusqaanteeda leh inkastoon wali la sugin tirada dhabta ah ee ku naf waayay Robkii Ka Da’ay Gobolada Galbeedka Gaar ahaan Deegaanka Dila, Waxan Alle Ka baryayaa inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo dadkii ku naf waayey roobabkaasi, gaar ahaan waxan ka tacsiyadaynayaa Eheladii iyo qaraabadii ay dadkaasi ka baxeen.”

Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu dhambaal tacsi ah u diray ehelada uu ka geeriyoday wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali.

Dhinaca kale gudoomiye golaha guurtida Somaliland ayaa ka jawaabay su,aal laga waydiiyey khilaafka xisbiga Ucid waxaanu yidhi “ Maanta Waxay Maraysaa Madaxda Sare ee xisbiga Ucid, laakiin xisbi kale oo is haystaa ma jiro sidaan filayo, khilaafkaasna wuu iska dhamaan doonaa.”