wali May Dhamaanin Taakuladii Loo Fidinayay Dadka ay Abaaruhu Heleen Ee Gabiley Imikana Waa Wakhtigii ay U Baahnayen Dad Iyo Xooloba waxay Cunaan Oo ay Jirka Kaga Baxaan

Raxmaanka Biyo La aantii Inaga soo Jabiyay Ee Raxmadiisa Inoshubay ayaa Mahad Iska Leh

DSC07345DSC07328

Intasi Kadib Wali May Dhamaan Hawlihii Iyo Caawintii Dadka ay Abaaruhu Sameeyen Ee Deegaanaa Gobolka Gabiley Balse Waxad Mooda Inay Dadkii Reer Gabiley Dhagaha Ka Furaysten caawimoyinkii ay Dadkooda U Fidinayen Imikana Waa Wakhtigii ay U Baahnayen Dad Iyo Xooloba waxay Cunaan Oo ay Jirka Kaga Baxaan islamarkasina ay Caloosha Ku Tiiriyan Waxa Kaloo ay U Baahan Yihiin Dadkasi Waxay Dhaxanta Ka Xidhaan Haday Tahay Bustayaal Gugolo ay Ku Seexdan Boco ay Roobabka Iskaga Dhigaan Iyo In Laga Caawiyo Dhinaca Qodaalka Beeraha si ay Uga faa idaystan Biyaha Roobka Hadiikale waxa Dhici Inay Markale sii Caydhoban Dadku

Xoolo Madhay saxdii

Waxana Maalmahan Ugu Danbeeyay Meesha Ka Baxday Taakuladii Dadka Reer Gabiley ay U Fidinayen Dadkoda Jilicda San Ee Abaaruhu Heleen Waxana Loga Baahan Yahay Sida Reer Awdal Inay Dadku isku Tashadaan Oo ay Walaalohod ayna Cidna Ku Halaynin Islamarkasina ay Dadaalkoda sii Badiyaan Oo ay Fadhiga Uga Kacaan Dadkooda Waxna ay Kusoo Taraan Iyadoo ay Waxay La Baxaan Noqonayso Mid Ay Ku Bixi Doodad Maalinta Qiyaame Ee Aanay Jirin Ilaa Wixii Aad Camaliyad sii Dhigatay Mooyane hadaba Walaalayaal Walaaloyin Aynu U Diir Naxno Dadkeena Baahan Ee ay Abaaruhu Heleen Oo Tabaya Kaalintenii Oo Aynu Gabnay Inaynu Gudano Oo aynu Taakulayno Dadkeena Dadkeenina Wali Waxay Soo Eegayan Waa Inaga Oo ay Inaga Sugayaan Inaynu Wax Ku Tarno
Gabiley.net
Office Gabiley